Sodon Urur Bulshadeed oo ka soo horjeeda Siyaasadda lagu faquuqayo dadka Ajaanibta ah ee ku nool dalka Switzerland.

Halkaan ka akhri

BERNA – Ugu yaraan 2’000 qof iyo Soddon Urur bulshadeed oo ka jira dalkan Switzerland ayaa waxaa ay  uruuriyeen Saxiixyadii ay uga hortagi lahaayeen Siyaasadda qalafsan ee lagula kacaayo dadka Ajaanibka ah ee ku nool dalka Swiss-ka.

Ururradan ayaa waxay dib u eegis (Apeal) ka qaateen Siyaasadda xaqdarrada ah ee la doonayo in dadka Ajaanibka lagu fuquuqo, looguna diido xuquuqda saldhigga u ah qofka aadanaha, hase yeeshee Ururradan ayaa la sheegay inay si aad ah ugu soo horjeedaan hadallada qallafsan ee lagu oranayo in Ajaanibka HARAANTI loogu saarayna dalka Switzerland.

“Waxaan u halgamaynaa sidii dadka ajaanibka u heli lahaayeen xuquuqdooda, waayo waxaan ognahay in ajaanibka ay yihiin kuwa kubciyo dhaqaalaha dalaka Swisska“, sidaas waxaa shaaca ka Qaar ka mid ah Ururrada iyo Axsaabta u ololeynayso in mar labaad la horgeeyo dadweynaha Switzerland sidii ay uga codeyn lahaayeen  Codbixintii dhacday 28ka Nofember.

Madaxweynaha Xisbiga Cagaaran Ueli Leuenberger ayaa sheegay inay sameynayaan daraasad ballaaran sidii aan guul fiican uga gaari lahayn codbixinta la horgeyn doono dadweynaha Sanadka Cusub ee 2011ka oo ka harsan saacado keliya.

SomaliSwiss      Swissinfo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: