Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta la filayo in ay gò’aan ka gaaraan ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2011-ka.

Halkaan ka akhri

Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa inuu u fadhiisto si ay ansixiyaan Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2011-ka,  shirkan oo ka dhacayo xarunta Baarlamaanka  ee Golaha Shacbiga.

Sida lagu soo warramay Wasaaradda Maaliyadda iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn ilaa haatan uga dooday Miisaaniyadda Dowladda KMG ah, iyadoo la isla gartay qaabka Miisaaniyadda, waxaana arrintaasi loo magacaabay Gudiga Maaliyadda Baarlamaanka oo lagu xoojiyay tiro xildhibaano ah, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii go’aan loogu gaari lahaa Miisaaniyadda dowladda KMG ah.

Hase yeeshee Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maalmahaan ka doodayeen Miisaaniyadda Xukuumadda KMG ah ee uu soo hordhigay Ra’iisul wasaare Farmaajo, iyadoo Baarlamaaka loo qeybiyay qoraal ku saabsan miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2011-ka.

Si kasta ha ahaatee, waxaa maanta  la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka ay ansixiyo Miisaaniyadda Dowladda KMG ah ee sanadka 2011-ka, iyadoo haatan la soo gabagabeeyey fadhiyadii baarlamaanka ay arrintaasi uga doodayeen maalmahaan, islamarkaasna  uu ka qeybgalaayay wasiirka Maaliyadda si uu uga jawaabo su’aalaha la xiriira habka loo soo bandhigay Miisaaniyadda.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: