Wasiirka Maaliyada Xukuumada KMG oo soo dhaweeyey ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka 2011ka.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa guul u soo hoyatay dowladda KMG ku tilmaamay talaabadii maanta ay Xildhibaanada Barlalamanka ku ansixiyeen Miisaaniyada Xukuumada ee sanadka 2011-ka

Sidoo kale kadib markii ay ansixiyeen Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya Miisaaniyada ay xukuumada KMG ah ku howlgaleyso sanadka 2011-ka , sidaas waxaa waxaa shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Barlamanka ee golaha shacabka ka sheegay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada KMG Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane wuxuuna intaas ku daray inuu si aad ah ugu faraxsanyahay in mudo 20 sano kadib dowladda KMG ay karti u yeelato in ay soo diyaariso Miisaaniyadii koowaad oo la hor keeno barlamankana, islamarkaana ay xildhibaanada ansixiyaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in talaabadan ay tahay mid muujineysa sida xildhibaanada Baralananka ay u gudanayaan xilka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu carabka ku dhiftay in arrintan ansixiteeda mudo ay sugayeen.

Sida ay ku soo warrameen warbaahinta ka howlgela magaalada Muqdisho in maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay isugu yimaadaan xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagula ballansan yahay inuu ka soo qeyb Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya, si wax loogu  weydiyo muushin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Barlamanka oo ku saabsan in uu faah faahin ka bixiyo heshiisyo dowladda KMG ay la gashay shirkado shisheeye.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: