Waa sidee xaalada magaalada Muqdisho saaka?

Halkaan ka akhri

Waxaa laga soo sheegayaa Magaalada Muqdisho in xaaladeedu ay dagan tahay saakay, kadib markii xalay ilaa waaberigii manta ay ka dhaceen dagaalo iyo Duqeymo sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaartay dad rayid ah iyo labada dhinac dagaalamaya.

Sida wararku ay sheegayaan intii ay socdeen dagaalada culus waxaa tiro madaafiic ah ay ku soo dhaceen degmooyinka Gobolka banaadir, kuwaasi oo laga maqlayay guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan meelo badan oo ka mid ah deegaanada loo barakacay ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee dagaaladan ayaa wuxuu si aad ah xoogiisa uu ka dhacayey aagaga degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay isaga horyimaadeen dowladda KMG oo garab ka helayey Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in khasaare fara badan uu ka dhashay dagaaladii xalay ka dhacay magaalada Caasimadda ee Muqdisho, sidoo kale waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayey, in kastoo aan si dhab ah loo ogayn khasaarahaas.

Maadaam ilaa haatan aan wax war ah ka soo bixin labada dhinac, balse waxaa loo maleeynayaa inay ku dhex jiraan is Xisaabin iyo dib isu uruurun iyo diyaargarow dagaal.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: