Madaxweynayaasha Uganda iyo Mareykanka oo isku Af-gartay soo af-jaridda xaaladda muragsan ee dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Qaar ka mid ah Wargeyska ka soo baxa dalka Uganda ayaa waxay soo qoreen in wada hadalo dhinaca qadka taleefoonka ah ay wada yeesheen Madaxweynayaasha wadamada Uganda iyo Mareykanka Yuweri Musaveni iyo Barack Obama, waxaana la sheegay inay ka  wada hadleen arrimaha wadanka Soomaaliya, sidaas waxaa inoo soo gudbiyey Wakiilka SomaliSwiss ee dalka Uganda.
Sidoo kale Shabakada Internadka  Black Star ee ka soo baxa dalka Mareykanka ay wuxuu soo qoray maqaal dheer  oo uga hadlaya xulufeysiga Madaxweynayaasha Yuweri Musaveni iyo Barack Obama, sidaas darted shabakadan waxay qortay in Sanadka Cusub ee 2011ka uu Mareykanka u soo jeedsan doono sidii loo dhameyn lahaa arrinta Soomaaliya, iyadoo lala kaashanaya wadamada Midowga Afrika gaar ahaan Dalka Uganda.
Wuxuu kaloo Wargeysyku uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Obama ay diyar u tahay inay ka gacan siiso dawlada Uganda sidii ay iskaga illaalin laheyd weeraro kaga yimada Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalama.
Sida lagu soo qoray Wargeyska New Vision ee ka soo baxa dalka Uganda, isagoo soo xigtay ilo ku dhaw dhaw xafiiska Madaxweynaha Uganda ayaa waxaa uu sheegay in Yuweri Musaveni uu ka codsaday dhigiisa Mareykanka Obama inuu ku gacan siiyo tababarida ciidamada sirdoonka iyo kuwa amaanbka si ay u suro gasho in la hor tago weeraro kaga yimaada Al-Shabab oo dhawr jeer wacad ku maray inay weeraro ku qaadi doonaan wadamo Africa ku yaala oo Uganda ka mid tahay.
Wargeysku wuxuu intaa uu raaciyey  in madaxweynaha Mareykanku uu u balan qaaday dawlada Uganda inuu ku gacan siin doono hawlaha amaan sugida dalkaasi iyo hawlaha ay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ka wadaan dalka Somalia.
Wargeysku waxaa uu ku waramaya in Obama uu sidoo kale balan qaaday inuu door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta ah goobaha muhiimka ah ee dalkasi sida garomadda diyaaradaha iyo dekedaha dalkaasi.
Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen in la taageero xukuumadda KMGS oo ciidamadeedu dagaalo kula jiraan xoogaga sida weyn u diidan ee Al-Shabab.
Si kasta ha ahaatee Mareykanku ayaa dhawr jeer ka shanqarsiiyay inuu wadamada Midowga Africa ku garab taagan yahay hawlaha ay Soomaaliya ka wadaan waxaan arrintaani imaaneysaa xilli Xarakatul Shababul Mujaahidiin ay ku hanjabeen in weeraro dhiig ku daato ka geysan doonaan wadamada Uganda iyo Burundi oo ay ciidamo Soomaaliya ka joogaan.
SomaliSwiss Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: