Halkaan ka akhri
Waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, Xildhibaano gaaraya ilaa 50-xildhibaan. Kuwaas oo dhaliilayey heshiis ay dowladda KMG Soomaaliya la gashay shirkado shisheeye, heshiiskaas aan lagala tashan golaha baarlamaanka KMG Soomaaliya.
Warsaxaafadeed waxaa laga akhriyey Shirka Jaraa’id , wuxuuna u qornaa sidatan:
JAMHUURIYADA SOOMAALIYA
Muqdisho       Tr.28/12/2010
UJEEDO :Â Â WARSAXAAFADEED KASOO BAXEY XUBNO KAMID AH BAARLAMAANKA KMGÂ AH HESHIISKASTA OO SHIRKADO AJANABI AH LALA GALO OO AAN BAARLAMAANKA LASOO MARSIIN WAA SHARCI DARO
Waxaa waayadaan soo if baxaayo shirkado Ajanabi ah oo dalka ku jooga si sharci daro ah iyo kuwo dibada looga iibsadey hantidada qaranka soomaaliyeed waxaana nasiib daro ah ineey shirkado sheeganaaya International ineey dalka soomaaliya oo bur bur ku jira mudo labaatan sano ah ay ka qeyb qaataan boobka hantidiisa gaarka ah .
Shirkadahaas oo kala ah   SKA AIR OPORATION , SARECEN INTERNATIONAL , BURNCRAFT, R A INTERNATIONAL iyo  shirkada iibsatey .SO, 252 oo ah furayaasha dalka dhinaca isgaarsiinta .
Baarlamaanka soomaaliyeed waxuu isha ku haayaa shirkadaha iibsaday . SO iyo 252 iyo kuwa lala galey heshiisyada qarsoodiga ah sida BURNCRAFT, R A INTERNATIONAL iyo shirkadaha dalka ku jooga sida sharci darada  ah oo ay ka mid yihiin SKA AIR OPORATION oo iyada lagu sheegey ineey ka howl galeeyso garoonka dayaaradaha iyo dekeda muqdisho shaqadaas oo ah mid aan nidaamka iyo sharuucda dalka waafaqsaneyn waxaan cadeyn u ah in shirkadaas aan lasoo marsiin heshiiskeeda baarlamaanka soomaaliyeed.
waxaa kale oo jira shirkado wadani ah oo awood u leh fulinta  hoowlaha adeega garoonka iyo dekeda muqdisho oo aan wax tix gelin ah laga siinin hoowlaha ka socda dalkooda .
SARECEN INTERNATIONAL waxey ka mid tahay shirkadaha dalka sharci darada ku jooga oo aan lasoo marsiin baarlamaanka soomaliya taasna ay tahay nasiib daro dalkaan ku dhacdey ayna masuulayadeeda qaadi dooonaan shaqsiyaad sheeganaaya xilal ay ka hayaan qaranka SARECEN waxaa lagu sheegey ineey tababaro siineyso ilaalada madaxda dalka taas oo aan cadeyn qiyaanooyinka ku hoos jira in xiligaan loo baahdo shirkad ajanabi ah oo ilaalada madaxda  noo tababarta
Baarlamaanka soomaaliya waxuu ogolaadey ineey dalka joogaan CIIDAMADA AMISOM oo kaliya kuwaas oo ka qeyb qaadanaaya nabad kusoo celinta dalka iyagoo qeybna ka qaata gargaarka shacabka iyo ilaallinta madaxda qaranka iyo goobaha muhiimka u ah umada soomaaliyeed .
Hadaba xildhibanaada soomalaiyeed ma ogolaan karaan waxii AMISOM ka baxsan oo dalkaan ka howl galaayo oo aan lasoo marsiin sharciga dalka waxaa kale oo nasiib daro ah ineey shirkadahaan nooga faa’iideystaan bur burka dalkeena soo gaarey mudo 20 sano ah waxaana kasoo horjeednaa dhaq dhaqaaq kasta oo sharci daro ah .
DIGNIIN
1 – Shirkadaha aan magacyadooda kor kusoo sheegney waxaan fareeynaa ineey dalka isga baxaan ayna joojiyaan hoowlaha ay faraha kula jiraan oo sharci darada ah ama ay raadsadaan wado sax ah oo ay soomaaliya  uga shaqeeystaan
2 – Shirkadaha dibada lagula galey hashiisyada qarsoodiga ah  waxaan uga digeeynaa ineey hantida umada soomaaliyeed ku qaataan si sharci daro ah
3 – Wasiirka koowaad waxaan ka codsaneynaa inuu ka hortago shirqooladaas cusub oo ay soo maleegeen shaqsiyaad ka mid ah xakuumadiisa .
UGU DANBEYNTII
waxaan shirkadahaan SKA AIR iyo SARECEN INTERNATIONAL, BURNCRAFT, R A INTERNATIONAL iyo kuwa iibsadey  SO, 252 , ugu digeeynaa ineeyan hantidooda iskaga shubin shaqsiyaad jeebkooda, hantida qarankana ayan ku qaadan si sharci daro ah waxaana shirkadahaas xasuusineynaa baarlamaanka soomaliya inuu u taagan yahay ilaalinta sharuucda dalka uuna gaashaanka ku dhufan doono heshiis kasta oo sharci daro ah waxaadna ku xasuusan kartaan sida heshiis ku sheegii Bada Soomaaliya waxaana masuul kasta oo xil kas ah ka saran inuu ka hortago boobka hantida qaranka sida looga   hor tagey shaqsiyaadkii iibsadey safaaradii soomaliya ee dalka Kenya, sharcigana ma hurdo shaqsi kastana waxaa lagula xisaabtami doonaa sharciga hortiisa.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |