Advertisements

Waa sidee xaaladda dagaal ee magaalada Muqdisho

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada AL Shabaab, dagaalkaas oo ka dhashay khasaare aad u ballaaran.

Hase yeeshee inta l’ogyahay waxaaku dhimatay  5 -qof ku dhawaaad 10kalen waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dad rayid ah oo madaafiicda iyo rasaastee xalay ay ugu tagtay guryahooda, iyadoo dadkii ku dhaawacmay dagaaladaasi la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Sida lagu soo warramay dagaaladan xoogooda ayaa xalay ka dhacay xaafado ka kala tirsan degmooyinka Boondheere iyo Shibis sida Hotell Jubba, Isgoyska Maano Bolyo, Isgoyska Fiyat iyo Wasaaradda arimaha gudaha ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mis ah dadka deggan degmada Boondheere ayaa warbaahinta u sheegeen in dagaalada ay si xoogan ugu dhaceen qeybo ka mid ah degumadaas, waxayna intaasi ay ku dareen in wal wal iyo cabsi ay soo wajahday xalay dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku haray degmadaasi.

Balse ilaa haatan lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ee xalay dagaalka ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Si kasta ha ahaatee dagaaladii xalay ayaa ahaa kuwa ka xoog badan kuwii mudooyinkaan ka dhacayay magaalada, iyadoo labada dhinac rasaasta ay is weedaarsanayeen ay ku dhawacaysay meelo ka baxsan halka ay ku dagaalameen, waxaana saakay xoogaa daganaansho laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay, waloow mararka qaar laga maqlayo halkaasi rasaas ka dhacaysa agaga hore ee dagaalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: