Sheikh Xasan Daahir oo ka hadlay midowga Xisbigiisa iyo Al-Shabaab oo lagu qabtay Beerta Sheikh Zaa’id ee degmada Afgoye.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Hogaamiyihii Xisbul Islaam Sheikh Xasan Dahir Aweys oo isku dhiibay Al-Shabaab ayaa maalintii shalay  ahayd ka  muuqday fagaare ku yaal degmada Afgooye oo lagu qabtay Munaasabada Midowga labada dhinac.

Xafladdan oo ahayd  Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay, isla-markaana lagu qabtay Beerta Sheikh Zaa’id ee degmada Afgooye  ayaa waxaa dadkii ka qeyb galay cabitaan ahaan loo siiyay biyaha Qumbaha, ayaa waxaa goobts lagu xardhay Calanka Al-Shabaab ee dhexda Towxiidka ugu qoran, taasoo muujineysa midowga labada dhinac.

Munaasabaddaas oo ka hadlayay Sheikh Xasan Dahir ayaa waxaa joogay saraakiil sar sare oo Shabaabka ka tirsan, Culumaa’udiin caan ah,  Odayaal iyo ganacsato ayaa khudbad dheer ka jeediyay, hase yeeshee Khudbada Sheikh Xasan Dahir ayaa waxaa laga dareemayey inuu ka leex leexanayey  bur burka baaxada leh ee ku timid Ururkiisa, balse  dhinaca kale wuxuu kaga hadlay ku biirida Shabaab, dagaalada ka socda dalka, siyaasada dibada ee ku wajahan Soomaaliya iyo Abaaraha ka jira dalka.

Sidoo kale Sheikh Xasan Dahir ayaa sheegay in dagaalka ka socda Soomaaliya uu yahay mid Caalami ah, isla markaana uu yahay mid Fardi ah oo la mid ah Salaada oo kale, asigoo arrintaas ka hadlayeyna wuxuu yiri: “Dagaalka waa Jihaad Caalami Farduceyn ah, waxaa uu waajib u yahay sida Salaada oo kale, waa inaan Nafteena, maalkeena iyo carabkeena ku bixinaa”.

Dhanka  kale Sheikh Xasan Dahir ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo Midinimada Mujaahidiinta, waxaana uu tibaaxay in Mujaahidiinta Caalamka laga doonayo inay midoobaan, oo aanay eegin qabyaalad iyo wadaniyad toona ah.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Dheere, Fu’aad Shongole, Sheikh Mukhtaar Abuu Muslim, Dulyadeyn, sidoo kale waxaa ku sugnaa goobta Sheikh Nuur Macalin Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyed, balse xilligan siyaasadiisa u jan-jeerta dhinaca taageerida Kooxaha Islaamiyiinta, isagoo horay uga mid ahaa Golihii Shuurada Maxaakimta.

Sheikh Nuur Macalin Cabdiraxmaan oo Hadal ka jeediyay goobtaas  ayaa wuxuu ku  bogaadiyay midowga Shabaab iyo Xisbul Islaam, wuxuu khudbaddiisa  ku weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Shariif oo horay u ahaayeen saxiibo hoose.

Sheikh Nuur Macalin Cabdiraxmaan oo ku heyb ah Madaxweyne Shariif ayaa sheegay  in Shariif Shalay uu ahaa nin daacad u ahaa Diintiisa, balse maanta Beesha Caalamka uu daacad u yahay, sidaas darteed waa in aan ridnaa Xukuumadiisa Ridada ah”.

Dhanka kale Khudbadihii ay shalay  Saraakiisha iyo Culumaa’udiinka ka jeediyeen goobta oo aheyd mid si guud ah looga hadlayay xaalada dalka iyo dagaalka AMISOM iyo Dowladda KMG lagula jiro ayaa waxaa xubnihii ka hadlay ka mid ahaa Fu’aad Shongole oo muhiimad ku tilmaamay midowga labada dhinac.

Si kasta ha ahaatee Waa markii u horeysay ee Hogaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xasan Dahir uu fagaaraha ka soo dhex muuqdo tan iyo markii ay soo shaac baxday in Xisbiga ay ku biireen Shabaab, inkastoo munaasabadii shalay aanu ka soo qeyb galin Hogaamiyaha Shabaab Abuu Zubeyr oo aan looga baran inuu fagaarayaasha ka soo dhex muuqdo.

SomaliSwiss   Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: