Halkaan ka akhri
Maalinta  Jimcaha  31ka Bisha Dicember 201oka  habeenimada Sabtida soo gelayso ayaa waxaa magaalada Zürich ee dalkan Switzerland lagu qaban doonaa  Bandhig faneed oo loogu magac daray Happy New Year oo idin wada Fannaanka weyn M.H. Lafoole oo garabsanaya Kooxda Soma-Swiss BROS oo ay ka mid yihiin Fannaan Cumar Shariif, Maxamed Qalinle, A. Nassir iyo Abdi-Jay.
Haddaba Fannaan Lafoole waa fannaan oo ay si aad ah u qiimayaan Soomaalida, sidaas darteed Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Switzerland, gaar ahaan dadka ku dhaqan Kantoon Zürich waxay nasiib u yeesheen in lagu qabto deegaankooda Bandhig Fanadeedkaas.
Sidaas darteed waxaa jaaliyadaha ku dhaqan Kantonada dalkan Switzerland lagu wargelinayaa in habeenkaas ay ka heli doonaan Heeso macaan oo isugu jira Jeceel, qoob ka Cayaar ah iyo wadaniba, balse waxaa hubanti ah in habeenkaas ay dhallinyaradu iyo Bulshada kaleba ku qanci doonaan Bandhig Faneedkaas.
Dhanka kale qofkii doonayo inuu helo warbixin dheeraad ah ee la xiriira Bandhig Faneedkan, wuxuu si toos ah ula xiriiri karaa Taleefoonada +41 (0787133391); +41(0798423945),
Haddaba Su’aasha waxay tahay,  meeqaa lagu daawan karaa, meelmaa lagu qabanayaa barnaamijka Bandhig Faneedkaas? Qiimaha waa 25 CHF oo keliya, sidoo kale  meesha lagu qaban doono Bandhig Faneedkaas waa:
GZ-Hirzenbach
Helen Keller-Strasse 55
8051 Zürich
Soo qaado ama raac Tram Nr.9, ugana deg meesha uu ku dhamaado.
Haddaba ha moogaanin, hana ka maqnaanin, una soo daawasho tag Barnaamika Bandhig Faneedkaas oo idin wado Fnanaanka dà da yar M.H.Lafoole.
SomaliSwiss  Zürich
Filed under: Zurich Swiss |