Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen walxaha qarxa.

Halkaan ka akhri

Taliska ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay miinooyin la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo la doonayay in lagu qarxiyo fariisimaha dowladda KMG.

Kadib howlgalo ay ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya ay ka sameeyen degmada Hodon ee gobolka Banaadir ayaa maanta taliska ciidanka booliska dowladda KMG waxaa ay soo bandhigeen miino ay sheegeen in ay saarneyd gaari hoomey ah oo marayay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Gaashaanle sare C/laahi Xasan Bariise oo ah Afhayeenka Ciidanka booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa wuxuu maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Hoggaanka Boliiska oo warbaahinta loogu soo bandhigay miino la doonayey in lagu qarxiyo fasriisin ay Ciidamada leeyhihiin.

Miinadaas la soo qabtay ayaa waxay qeyb ka tahay baaritaano ay maalmihii dambe wadeen ciidanka booliska, isagoo intaasi raaciyay in ay baaritaanada wadi doonaan ilaa laga cirib tirayo kooxaha qalalaasaha ka wada Magaalada.

Sida laga warqabo ciidanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa  waxay Mudooyinkan dambe ay baaritaano ka wadeen degmooyin dhowr ah oo ay gacanta ku heyso dowladda KMG Soomaaliya iyadoo taliska booliska ay sheegeen in baaritaanadaani ay sii soconayaan islamarkaana maalin kasta laga sameyn doono mid ka mid ah degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: