Halkaan ka akhri
Warar saaka aan ka helnay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay maanta kulan ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxayna kulankan ay ku falanqeyn doonaan Miisaanada ay xukuumada KMG Soomaaliya u qoyndeysay sanadka 2011-ka.
Xildhibaan ka tirsan xogheynta Barlamanka KMG Soomaaliya, ayaa wuxuu Warbaahinta u  xaqiijiyey in xildhibaanadu ay maanta kulankooda uga doodi doonaan Miisaaniyada xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo uu soo hordhigay, taasoo Xildhibaanadu todobaadkii hore loo qeybiyay nuqulladii ku qornaa qaabka loo soo qoorsheeyey Miisaaniyadda.
Sidoo kale Xogheynta waxay sheegeen in kulanka ay ka soo qeyb gali doonan xubno ka socda wasaarada Maaliyada Xukuumada KMG Soomaaliya, kuwaas oo goobjoog ka ahaan doona dooda Xildhibaanada Barlamanka ee ku aadan Miisaaniyadda Xukuumada KMG Soomaaliya
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.