Taliyaha guud ee ciidamada Uganda oo sheegay in Amisom ay ka howl geli doonto magaalada Kismaayo.

Halkaan ka akhri

Taliyaha guud ee ciidamada dawlada Uganda Gen. Aronda Nyakairima oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay hadda qorshahoodu yahay in ay ciidan geeyaan Kismaayo.

Gen. Aronda Nyakairima waxaa uu sheegay inay xog buuxda ka hayaan magaalo xeebeedka Kismayo iyo awooda guud ee shabaab waxaana hadda ay diyaarisay amisom ciidankii gaari lahaa magaaladaasi ayuu hadalkisa raaciyay taliyaha.

Ciidankan ayaa waxa ay hadda qorshaynayaan in ay u dhaqaaqaan Kismaayo oo ay badda iyo Cirka ka weerarayaan maadaama alshabaab ay saldhig weyn ku leedahay magaaladaasi.

Taliyaha wuxuu tilmaamay in ciidamooda uu waajib ka saran yahay soo celinta nabada iyo xasilonida Soomaaliya wuxuuna hoosta ka xariiqay in Kismaayo ay noqon doonto magaalada labaad ee ay hawl gal ka sameyn doonaan.

Warka Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda iyo qoorshaha Ciidamada amisom ay kula wareegayaan  magaalada Kismaayo ayaa imaanaya xilli iyadoo Ciidamada nabad Ilaalin Midowga Afrika ay khatyaan ka joogaan weerar ay kala kulmaan Xarakada Al-shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: