Advertisements

Madaxweyne Yuweri Musafani oo dhaleeceyey howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Yuweri Musafani ayaa dhaleeceyn kulul u jeediyay howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in aysan wax fiican ka qaban xaaladd amaan ee Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Musafani ayaa Maalintii shalay hadal ka jeediyay xerada tababarka ciidamada ee Singo oo ku taala duleedka Magaalada Kampala ee Xarunta dalkaas, xili halkaasi lagu soo gabagabeynayay tababarka ciidamo u dhashay Uganda oo loogu talagalay in loo soo diro Soomaaliya.

Dhanka kale Janaraal Musafani oo iminka ah taliyaha guud ee Ciidamada militariga Uganda, ayaa waxaa uu sheegay in cutubkaani tababarka loo soo gaba gabeeyay si wanaagsan loo tababaray islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya si ay u badalaan kuwa hatan ku sugan Muqdisho.

Hase yeeshee Madaxweynaha dalka Uganda ayaa 3 sano ka hor oggolaaday in ciidamadiisu ay safka hore ka galaan Ciidamada Midowga Afrika ee la geynayo dalka Soomaaliya si ay amaan iyo nabad galyo ugu soo celiyaan Soomaaliya.

Derista Ciidamada Midowga Afrika ee loo diraayo Soomaaliya ayaa bishii January sanadkii 2007-da ansixisay Qaramada Midoobay, kadib markii codsi kaga yimid ururka Midowga Afrika oo ku aadanaa in Soomaaliya loo diro ciidamo Afrikaan ah si ay u taageeraan dowladda KMG, Soomaaliya, si ay dib ugu soo celiyaan amaanka iyo kala dambeynta dowladnimo.

Si kasta ha Madaxweyne Yuweri Musafani wuxuu caddeeyey in ciidamadan tababarka u dhamaatay ay yihiin anshax ahaan iyo tababar ahaan kuwa aad u sareeya wuxuuna u rajeeyay inay guul ka soo hooyaan howlgalka ay u aadayaan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: