Advertisements

Gudoomiyaasha Baarlamanka Iran iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya.

Somali & English

Halkaan ka akhri

Wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA ayaa soo tebisay in gudoomiyaha Barlamaanka dalka Iran Cali Laarijaani iyo dhigiisa Soomaaliya Shariif Xasan Sh. Adan ayaa waxay kulan wada jir ah ku yeesheen Caasimadda dalka Iran ee TEHRAN, waxayna ka wada hadlay arrimo badan oo salka ku haya xaaladda dhibaato ee ka taagan dalkaan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Iran Cali Laarijaani ayaa sheegay in xasaradaha ka taagan wadankan Soomaliya ay ka danbeeyaan dad fara gelin dhinaca dibadda ah ku haya waddanka.

Mudane Cali Laarijaani oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “argagaxisada iyo faragelin dibadda ah ayaa ah labada dhinac  ee abuuray dhibaatada Soomaaliya” warkan ee uu ku dhawaaqay Mudane Laarijaani ayaa waxaa ka soo xigatay Wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA, kaddib markii ay shalay kulan wada qaateen labada masuul.

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Iran ayaa sheegay in Iran ay taageereyso dadaal kasta oo lagu dar dargelinayo hormarka Somaliya iyo in gargaarka dadkeeda,  si ay uga soo kabtaan faragelin dibadda ah iyo siyaasad gumeysi ku hareero.

Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Iran Cali Laarijaani ayaa waxa uu muujiyay in Baarlamaanka Iran uu si buuxdo u taageerayo ballaarainta taagerada wadamada Africa oo Soomaaliya ay ka wadaan.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaaka Soomaaliya Shariif Xasan Shiekh Adan oo safar shaqo u jooga dalka Iran ayaa qeexay in booqashadaan ay fursad u tahay in uu wada hadal la yeesho  saraakiil ka mid ah Jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran si ay gacan uga geestaan xal ku soo celinta xiisadaha Soomaaiya.

Mudane Shariif Xasan ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu ka qabo tallaabadaan ay  tahay mid waddo u furi doonto xiriirka labada dal ee sii hagaagaya.

Sida aad la socotaan Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo hoggaaminayo wafdi ballaraan ayaa booqasho afar maalin ah ku jooga dalka Iran taas oo maalintii shalay ka billaabatay Tehraan.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA in gudoomiyaha Barlamanka Soomaaliya loo qorsheeyay in uu la kulmo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Iran oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalkaasi Maxamuud Axmedi Najaad.

Wakaladda Wararka Irna

SomaliSwiss@hotmail.com

Iranian Speaker Blames Somali Crisis on Foreign Interference

TEHRAN (FNA)- Iranian Parliament Speaker Ali Larijani said foreign interference has aggravated the crisis in Somalia, adding that terrorism and foreign interference are two sides of the same coin.

Speaking in a meeting with Somali Parliament Speaker Sharif Hassan Sheikh Aden here in Tehran on Sunday evening, Larijani voiced concern over the worrying situation in Somalia, and stressed, “International powers do not want the Islamic countries to have an independent life, and they, thus, try to spark political, economic and security crises through plots, conspiracies and interference.”

“Terrorism and foreign interference are the two sides of the same coin,” he added.

The Somali speaker, for his part, voiced pleasure in his visit to Iran, and viewed his trip as an opportunity for talks and negotiations with Iranian officials on possible solutions to the difficult conditions and problems of his country.

“Interference of the aliens and terrorism have caused major problems for the Somali people and thwarted establishment of peace and stability in the country,” he added.

The Somali speaker further blamed foreign interference for the profound economic, social, security and political problems as well as spread of terrorism and insecurity in the Horn of Africa.

Aden, heading a high-ranking delegation arrived in Tehran on Sunday morning to explore avenues for the expansion of cooperation with Iran in all the various fields.

Iran has in the past few years shown increasing willingness to expand ties and cooperation with the African states and offered to transfer experience and technology to several African countries.

Since taking office in 2005, Iranian President Mahmoud Ahmadinejad has striven hard to maximize Tehran’s relations with the African continent

Source: IRAN TEHRAN

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: