Dowladda KMG oo shaacisay in ay howl biyo dhaamin ah ka fulin doonto dafaha magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Wasiirka wasaaradda batroolka, tamarta, macdanta iyo biyaha Dowladda KMG ayaa sheegtay inay u sameyneyso biyo dhaamin dadka barakayaasha ah  ee ku dhaqan gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.

C/risaaq Sh. Muxudiin oo ah Wasiirka wasaaradda batroolka, tamarta, macdanta iyo biyaha dowladda KMG, wuxuu sheegay in la diyaariyay ilaa todobo booyado oo loogu tala galay in  biyo lagu gaarsiiyo dadka barakayaasha ah.

“Meelo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobalada ayaa waxaa xilligan ka jirta xaalado ay ka mid yihiin biyo la’aan daran, waxaana dadku aad ay ugu baahan yihiin gurmad degdeg ah oo loo sameeyo”, sidaas waxaa daboolka ka qaaday Wasiirka wasaaradda batroolka, tamarta, macdanta iyo biyaha Mudane C/risaaq Sh. Muxudiin.

Sidoo kale wuxuuintaas uu raaciyey in wasaaradiisa ay ka shaqeyneyso sidii degdeg loo gaarsiin lahaa barakacayaasha booyadaha biyaha ee loogu tala galay, wuxuuna tilmaamay inuu rajeynayo saddex bil gudahood inay ku helaan shacabka biyo nadiif ah.

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu ka waramay inuu kulan la soo qaatay hey’adda QM ee UNDP oo ay uga soo wada hadleen sidii hey’addaas ula shaqeyn laheyd wasaaraddiisa, wuxuu sheegay in hey’addaas ay balan qaaday inay u howgeli doomaan sidaa ay wax uga qaban lahaayeen xaaladda Abaareed ee dalka Soomaaliya ka jirta.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: