Dhallinyaro Burcad badeed Soomaali ah oo ay dowladda Kenya cafis u fidisay oo maanta la geeyey Gaalkacyo.

Halkaan ka akhri

Wakiilka Shabakada SomaliSwiss uga soo hadla gobolka Mudug ayaa inoo soo sheegay in Ku dhawaad 20 dhallinyaro Soomaali ah oo muddo sanad ka badan  loo haystay kii burcad badeednimo ugu xirnaa dalka Kenaya ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo kaddib markii cafis loo fidiyay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo lagu soo dhaweeyay 17 wiil oo ka mid ah 20ka dhallinyaro oo sanad iyo bar ka hor laga qabtay qabtay Biyaha Gacanka Cadmeed oo ay falal Burcad badeednimo ah ka fulinayeen, waxayna muddo ku xirnaayeen xabsi ku yaalla Magaalda Mombasa.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa dhallinyaradaas ku soo dhaweeyay maanta Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug oo Shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magalada Gaakacayo ayaa dhallinyaradan ku waaniyay in ay ka waantoobaan falalka burcad badeednimada ah.

SomaliSwiss Gaakacayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: