Ciidamada Booliska dalka Uganda oo howl-gallo iyo heegan Joogta ah la geliyey.

Halkaan ka akhri

Xukuumadda waddanka Uganda ayaa sheegtay in dalkeeda la galiyey xaalad feejignaan ah waxayna Ciidamada lagu amray inay baaritaano joogto ah ay ku sameeyaan meelaha dadku u badan yihiin.

Taliska Ciidanka Booliska Dalka Uganda ayaa sheegay in Munaasabadda Ciida Masiixiga iyo Sanadka Cusub owgood ay ciidamadu Baaritaan habeen iyo Maalin ah ku sameynayaan, islamarkaasna ay dadka su’aalo lagu weydiinayo si looga baaqsado weeraro argagixiso oo dalka ka dhaca, ayadoo ay bilaabanayaan qabanqaabada Doorashooyinka waddankaasi.

Sida lagu soo warramay Soomaalida ku nool waddankaas ayaa  saameysay howl galka bilowga ah ee ciidamadu ka wadaan dalkaasi, waxaana dadka la weydiinayaan xilliyada Habeenkii sharciyada ay dalkaasi ku joogaan, waxaana la sheegay in dad badan ay Boliisku xabsiga u taxaabeen.

Hase yeeshee wararka naga soo gaarayaa magaalada Kampala iyo magaalooyin waaweyn ee dalka Ugabda ayaa sheegaya in Howlagallada ay barbar socda dabaal deg ay sameysanayaan dadka Aaminsan Diinta Masiixiga oo sanad kasta maalmaha 24 iyo 25ka bisha dicember ay u tahay Ciid ay xusaan.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: