Wasaaradda dekadaha iyo tan Maaliyadda dowladda KMG oo beeniyey in la musuq maasuqay dhaqaalaha dekadda Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa shalay si wada jir ah Warsaxaafadeed u soo saaray Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka Badda, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Warsaxaafadeedkaa oo lagu beeninayay in la musuq maasuqo dhaqaalaha ka soo baxa dekadda Magaalada Muqdisho, waxaana la  sheegay in dhaqaalahaas uu ku dhaco Bangiga dhexe ee dowladda,

Warsaxaafadeed wuxuu u qornaa sidatan:-

Muqdisho – Soomaaliya, December 25, 2010) Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka iyo Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Radiyaha Shabeelle mid xaqiiqada ka fog, xad gudubna ku ah masuuliyiinta DFKM iyaga oo Wasaaradahaasi war-saxaafadeed ay caawa wada jir u soo saareen ku cadeeyey in dekedda Muqdishu uu ka jiro maamul hufan, oo kordhiyey dakhliga dekedda isla markaana ka ceebla’ eedeynta aan loo meel deyin ee Radiyaha Shabelle.

Wasiirka Dekedaha, Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ee DFKM, Axmed Cabdiraxmaan Cabaade, ayaa hadal uu saxaafadda caawa siiyey waxa u ku yiri, “Waan u mahadnaqaynaa Maareeyaha cusub ee Dekedda Muqdishu waayo muddadii gaabnayd ee uu dekedda maamulayey waxa uu saxay khaladaad jirey isla markaana, waxaa bilahaan dekedda ka soo xarooday dhaqaale aan ka soo laga qaban tobankii sano oo la soo dhaafay — taasna waxaa sabab u ah maamul wanaagga dekedda laga hir geliyey”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Xasan Adan, ahna Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ayaa isna dhanka kale, ka war-bixiyey qaabka loo uruuriyo canshuuraha ka soo xarooda dekedda, isaga oo yiri, “Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagtu xafiis ayay ku leedahay dekedda Muqdisho, xafiiskaas ayaana qaada lacagta canshuuraha. Dekhligaasi Waxa uu ku dhacaa khasnad bangiga dhexe oo isla dekedda ku taala, kaddibna waxaa lacagtaas ay laantu u soo gudbisaa xarunta bangiga dhexe. Maamulka dekeddu lacagtu gacantooda kuma soo dhacdo mana arkaan, oo waxay lacagtu dhexmartaa Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe.”

Dhanka kale, Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka dekedda ayaa lagu cadeeyey in dekhliga dekedda ee ku dhaca Bangiga Dhexe uu bilihii la soo dhaafay intii hore ka kordhay in ka badan 100% taasina ay tilmaan u tahay maamul wanaagga hogaanka cusub ee hayaddan muhiimka ah.

Waxaa kaloo xusid mudan in maamulka dekedda Muqdishu uu ka codsaday Wasaaradda Warfaafinta iyo hay’adaha sharciga in ay baaritaan ku sameeyaan talaabo sharci ahna ka qaadaan xad-gudubyada Shabelle ee been abuurka ah ee lagu dhaawacayo sumcadda Muasasaadka muhiimka ah iyo Masuuliyiinta Qaranka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen :-

Wasaaradaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka

Wasaaradda Maaliyadda

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: