Maamulka gobolka Banaadir oo Maanta meel fagaara ah dab ku qabadsiisay raashin dhacay.

Halkaan ka akhri

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta dab ku qabadsiisay gudaha magaalada Muqdisho raashin dhacay oo ay ka soo qabatay suuqa ganacsiga Degmada Xamarweyne kuna gubtay meel fagaare ah, sidaas waxaa shaaca ka qaaday  afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed C/llaahi Cariig  oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo joogay goobta lagu gubayay raashinkaasi ayaa waxaa saxaafada faahfaahin ka siiyay Raashinka dhacay oo ay soo qabteen ciidanka ammaanka gobolka banaadir iyo waaxda fayadhowrka.

Sida lagu soo warramay  Raashinka dabka la qabadsiiyay ayaa u badnaa Bariis iyo Bur dhacay oo ay Ciidanka keeneen fagaaraha Ceel Gaabta oo ay ku gubeen maanta waxaana ay madaxda Gobolka banaadir arinkaasi ku tilmaameen hormar ay gaareen.

Dhanka kale Madaxweyne sheikh Shariif ayaa shalay ka hadlayay arinka ku aadan raashinka dhacay iyo Dawooyinka magaalada lagu iibiyo oo cudur iyo dhibaata ay ka helaan dadka dhibanayaasha ah ee dagaalada ku dhex nool.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: