Xarakada Al-Shabaab oo loo magacaabay Amiir cusub oo bedelaya Axmad Cabdi Godane.

Halkaan ka Akhri

Hogaamiyihii Xarakada Al-Shabaab Axmad Cabdi Godane ayaa Xilkii laga xayuubiyay, iyadoo loo magacaabay Amiir cusub oo ku meel gaar ah, kaas oo xilka hayn doona muddo ugu badnaan Bil ama laba bilood ah, sida ay ku waramayaan warar laga helayo ilo kala duwan oo la socda Howlaha Shabaabka.

Axmad Godane oo xilka Amiirnimada ee Xarakadaas hayay qiyaastii 34 bilood ayaa muran xooggan oo soo kala dhex galay isaga iyo hogaamiye-yaal sare oo kale, waxay kalliftay in xarakadu u kala jabto laba garab, ka dib markii ay is qoonsadeen, horjoogayaashu, waxaana xeer jajab muddo soo jiitamayay oo ay wadeen wakiilada Al-Qaacida ee Geeska Africa iyo Soomaaliya lagu guulaysteen inay xilka ka qaadaan.

Go’aankaan xil ka qaadista oo laba bilood lasugayay ayay Jimcihii soo afjareen Wakiillo ka socday AlQaacida oo arrintaan loo soo xilsaaray, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, sida SomaliSwiss wararka ku helayso Abu Cabdalla Al-Liibi iyo walaalkiis Abu Yaxya Al-Liibi oo labaduba ka tirsan madaxda sare ee Ururka AlQaacida u qaabilsan Africa iyo Carabta, waxaana sidoo kale jiray saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Abuu Mansoor Al-Ameriki iyo dad kale oo xagga isgaarsiinta uga qayb qaatay xil kala wareejintaas.

Amiirka Ku meel gaarka ah ee Al-Shabaab ayaa loo magacaabay Ibraahim Meecaad Al-Afkhaani oo ay Saxiibo yihiin Axmad Godane, isla markaasna kasoo jeeda Qabiil-ka (Isaaq) oo ay Godane kuwada abtirsadaan.

Inkastoo marar hore oo badan oo diiday Ahmed Godane inuu xilka wareejiyo ayaa hadana waxay kalliftay ugu dambaystii inuu si dirqiya ku aqbalo, markii xilka Amiirnimo loo dhiibay nin saxiibkiis ah oo hore ugu ololeeyay in Axmad Godane hogaamiyo Xarakada.

Hogaaminta Axmad Godane ee Xarakada ayaa waxaa hore u diiday oo mucaaraday 18 Sarkaal oo ka mid ah 42-da Hogaamiye ee ugu saraysa Madaxda Al-shabaab, gaarahaan qaybta soomaalida oo ka kooban 42 xubnood, waxaana Garabka mucaaraday Hogaaminayay Muqtaar Rooboow (Abuu Mansoor) iyo Fuad Maxamad Qalaf (Shongole) oo siyaaboi kala duwan u sheegay inuusan Axmad Godane wadin fikir Mujaahidnimo, balse uu wato qorshe yaal kale.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: