Wakiilka Jaamacadda carabta u fadhiya Soomaaliya oo kormeer kusoo maray magaalada muqdisho.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta kormeer howleed ku tagay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Wakiilka Jaamacadda Carabta  ee Soomaaliya hase ahaatee Wakiilka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabta ay dowladda KMG Soomaaliya ka taageeri doonto dhismaha hay‘adaha Muhiimka ah ee Dowladda.

Wakiilka Jaamacadda carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed C/lla Idriis oo maanta soo booqday dhismo ka socodty xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, wuxuuna soo dhaweeyay howlaha dib u dhiska ah ee dalka laga wado.

Danjire Maxamed C/lla oo halkaas ka hadlay wuxuu yiri: “Hadii uu Alle yiraahdo Jaamacada Carabta waxay ka qeyb qaadaneysaa dadaallada loo jiro dib u dhiska dalka soomaaliya, gaar ahaan hay’adaha Dowladda sida  dhismaha  wasaaradda arrimaha dibadda, caafimaadka iyo  wasaaraddaha kale ee dalka, waxaana arrintan ay ka timid  xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo  dalalka  Carabta kula dardaarmay in Soomaaliya ay kala qeyb qaataan dib u dhiska iyo dayactirida dhismaha burburay ee dalka Soomaaliya iyo tababaridda kaadir lafdhabarka u ah maamulka howlaha dowladda”.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda ee Dowladda KMG  Mudane Maxamed Cali Xaamud oo si aad ah uga mahad celiyay dadkii soo badbaadiyay dhismaha wasaaraddan, wuxuuna sheegay in mustaqbalka la siin doono abaalmarintii ay muteysteen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya xarunteeda waxaa dayactirkeeda maal gelisay Dowladda Talyaaniga oo Dowladda KMG Soomaaliya ka caawisay kharashka lagu dayactirayo wasaarado dhowr ah, waxaana hadda la hagaajiyay qeybaha ay ka kooban tahay wasaaraddu inkastoo ay jiraan qeybo kale oo wali harsan dayactirkood.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: