Waa side xaaladda magaalada Muqdisho Maanta?

Halkaan ka akhri

Muqdisho oo nolol maalmeedkeedu noqday dagaal iyo duqeymo, kaasoo  sababa dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah ayaa waxaa dagaallo ay subaxnimadii saaka ka dhaceen Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sidaas awgeed wararka naga soo gaaraya xaafadaha Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saaka lagu dagaalamay hubka noocyadiisa kala duwan dagaalkaas oo dhex maray Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada AMISOM oo garab siinaya ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Sidoo kale dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaaday saakay aroortii fariisimo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Xaafada Maanboolyo ee degmada Boondheere, waxaana halkaas ka bilowday dagaal fool ka fool ah oo labada dhinac u dhaxeeyay.

Dhanka kale dagaalka ayaa waxaa bar bar socday Madaafiic labada dhinac ay is weydaarsanayeen, kuwaas oo ku dhacayey meel ka baxsan halka lagu dagaalamayay, waxaana madaafiicdaasi ay khasaare gaarsiiyeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Hase yeeshee sida wararka ay sheegayaan waxaa ilaa haatan la ogyahay inay ku dhinteen dagaalkan 2 qof, in ka badan 5 kale oo rayid ahna waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaar ka mid ah ay haleeleen Madaafiicdii labada dhinac ay is werdaaysanayeen.

Dadka deegaanka ayaa waxay Saakay arkayeen dhibaato soo kala gaartay dhinacyadii ku dagaalamay Xaafada Maanaboolyo, inkastoo dowladda KMG iyo Al-Shabaab aysan ka hadlin khasaaraha soo kala gaaray.

Si kasta ha ahaatee dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa waxaa la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay horay u buuxdhaafiyeen boqolaal ruux oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: