Safriika Shinaha u fadhiyo dalka Ethiopia oo sheegay in dowladdiisa ay ugu deeqday Midowga Afrika afar milyan oo dollar.

Halkaan ka akhri

Safiirka Shinaha u fadhiyo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa siisay Madaxa Ammaanka Midowga Africa Jeeg ku qoran lacag dhan afar milyan dollar oo lagu qalabeynayo ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Africa.

Sidoo kale Madaxa ammaanka iyo nabad galyada Midowga Africa ayaa kulan la qaatay safriika China ee magaalada Addis Ababa, waxayna ka wada hadleen taageerada ay u baahan yihiin ciidamada AMISOM.

Heshiiskan ayaa waxaawada saxiixay Shinaha iyo M/Africa ka dib markii golaha ammaanka ee QM uu soo saaray qaraar qeexaya in la siiyo ciidamada AMISOM deeq lacagaad iyo  taageero farsamo, islamarkaasna  lagu kordhiyo  Ciidamo kale.

Dhanka kale Qaraarka Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geestaan arrimahaas.

Xukuumadda Shinaha ayaa sheegtay inay ka jawaabtay baaqaasi, waxayna tilmaamtay inay fileyso wax wanaagsan inay ka tarto taageeradeeda mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: