Ciidamada Boliiska dalka South Afrika oo gacanta ku dhigay Hub loo soo waday Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ciidamada Boliiska Wadanka S/Afrika oo shaki weyn ka qabay inay jiraan rag ku shaqeysta waxyaabo mamnuuc ka ah dalka S/Afrika ayaa waxay Baaris xoog badan ku sameeyeen magaalada Durban, waxayna ku soo qabteen Hub si sharci daro ah oo la rabay in loo gudbiyo Wadanka Soomaaliya, iyo dadkii arrimahaas faraha kula jiray.

Ciidamada Booliska Magaalada Durban ee dalka S/Afrika ayaa warbaahinta u sheegay intii howlgalkaas ay  ku dhex jireen ay guri ku yaala Xaafada Westville ay ka soo qab qabteen ilaa 4 qof oo 3 ka mid ah ay haween yihiin, sidoo kale Boliisku wuxuu sheegay in gacanta ku soo dhigeen hub la rumeysan yahay in loogu talagalay lagula dagaalamo Dowladda Soomaaliya, hase ahaatee la doonayey in si sharci daro ah loo geeyo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Hubka la qabtay oo ka mid ahaa 308 qori gacmeed, qoryahan ayaa waxay u badnaayeen kuwa aan dhawaaqin iyo hub kale, booliska dalka S/Afrikana ayaa waxay kaloo ay sheegeen in howlgalkaasi ay ku qabteen 592 qasnadood oo ah nuuca rasaasta lagu qaato.

Mr. Vincent Mdunge oo ah Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska dalka S/Afrika ayaa wuxuu si  hordhac u sheegay in laga helay warar xaqiijinaya in hubkaasi laga keenay Jasiiradda Malta, hase ahaatee Afhayeenku wuxuu sheegay inay wali baaritaano ay ku wadaan hubkaas iyo wixii laga damacsanaa.

Dhanka kale Afhayeebku ayaa Saxaafadda u sheegay in dad hubka lagu qabtay lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo magaalada Pinetown ee dalkaasi S/Afrika, sidoo kale warar hoose oo ka madax banaan boliiska dalka S/Afrika ayaa sheegay in hubkan loo waday Kooxaha burcad badeeda, kuna socday dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee ma ahan markii ugu horaysay dalal caalamka ka mid ah lagu helo hub si sharci daro ah loogu  wado wadanka Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Xarakada Alshabaab, dowladda KMG iyo Ciidamada AMISOM.iyo dhanka kale waxaa jira Kooxaha burcad badeeda oo maalmihi u dambeeyay ay ku lug lahaayeen howlgalo is daba-joog ah oo ay ku afduubanayeen maraakiibta iyo doonyaha ganacsi ee isticmaala xeebaha dalka Soomaaliya, Gacan biyoodka Cadmeed iyo badweyne India.

SomaliSwiss Durban

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: