Xarakada Al-Shabaab oo ugu baaqay Ururka Al Qaacidda in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Ururka Xarakada Al-Shabaab ayaa ugu baaqday Ururka Al Qaacidda in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka dhanka ah dowladda KMG Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa shalay galinkii dambe saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam ee ku biiray Al-Shabaab ay si rasmi ah u shaaciyeen in Xisbul Islaam uu ku biiray Shabaab ayaa saraakiisha Xarakada waxaa ay dagaalyahanada Urur weynaha Al Qaacidda ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan dagaalada ka socda Soomaaliya oo ay Al Shababa kula jiraan dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sheikh Calidheere oo khudbad af Carabi ah ka jeediyay kulan lagu shaacinayay ku biirtiaanka Ururkii Xisbul Islaam ee Shabaab ayaa waxaa uu hogaamiyaha Al Qaacidda ugu biishaareeyay sida ay u midoobeen dagaalyahanada Soomaaliya islamarkaana looga baxay qilaafkii iyo kala aragti duwanaashihi dagalyahanada, waxaana uu baaq u diray Afhayeenka dagaalyahanada Al Qaacidda ee dalalka Falastiin, Iraq, Afghanistan Shiishaan iyo Yemen, kuwaasi oo uu ugu baaqay in ay garab is taagaan Xarakada Al Shabaab.

Dhanka kale Sheikh C/fitaax Max’ed Cali oo madax ka ahaa warfaafinta Xisbigii bur buray, hadda ah sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab wuxuu sheegay in ay si wada jir ah u soo saareen Al-Shabaab iyo Xisbiga bayaan wuxuuna intaa raaciyey in dowladda KMG iyo ciidamada taageera ee AMISOM ay ku fashilmeen duulaan uu tilmamay in ay kusoo qaadeen Mujaahidiinta Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyey Al Qaacidda hormarada Xarakada Al Shabaab ay ka sameeyeen Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: