Advertisements

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG oo Tafaasiil ka bixiyey hishiiskii Shirkadda Saracen.

Halkaan ka akhri

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa wuxuu maanta Warbaahinta ugu qabtay shir jaraa’id magaalada Muqdisho, wuxuuna uga hadlayey hishiis dhawan dowladda ay dowladda la gashay shirkada Saracen International. faah faahin kaga bixiyay

Mudane C/kariin Xasan Jaamac waxa uu tafaasiil ka bixisay hishiis ay dowladda la gashay shirkadda Saracen oo in mudda ahba qarsoodi ahaa, taasi oo ay dowladda u qaban doonto tababaridda ciidamada ilaaliya Mas’uulyiiinta dowladda KMG.

Sidoo kale Wasiirku oo maanta saaxafadda kula hadlayay Xarunta wasaaradda Warfaafinta ee magaalada Muqdisho ayaa faah-faahiyey hishiis dowladda ay la gashay shirkad layiraahdo Saracen International oo dowladda ka gacan siin doonta taba barada ciidamada ee dowladda.

Sida uu sheegay Wasiirka shirkii golaha wasiirada ee maalmihii u dambeeyay ay ku yeelanyeen magaalada Muqdisho ayaa waxay kaga hadlayeen xiriirka ka dhaxeeya dowladda KMG Soomaaliya iyo Shirkaddaasi.

Wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac waxaa uu sidoo kale sheegay in hishiiska dowladda ay la gasahay shirkadda Saracen International uu saxiixay Wasiirka Maaliyadda dowladda.

Dhanka kale Wasiirka wuxuu inataas raaciyey in hishiiska lala galay shirkadaasi uu quseeyo tababarka ciidamada ilaaliya Madaxda sare ee dowladda KMG iyo arimaha bini’aadanimada sida dayactirada Isbitaalada, waxaana uu sheegay in markii uu dhacay hishiiskaasi kadib ciidamada AMISOM warqad ay u gudbiyeen xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG taasi oo ku aadaneed waxyaabaha ay qabanayso shirkadaasi maadaama AMISOM ay si gooni ah u ilaaliso Madaxda sare ee dowladda iyo Hay’adaha muhiimka ah.

Intii uu socday Shirka Jaraa’id  waxaa su’aalo laga waydiyey wasiirka in dhibaato ay ka imaan karto iyo in kale ciidamadaas maadaama ciidamada AMISOM dhibaatooyin ay u gaystaaan dadka rayidka ah, wuxuuna wasiirka kaga jawaabay oo meesha ka saaray in dhibaato aysan gaysan doonin ciidamadaas, wuxuuna ka gaabsaday inuu caddeeyo wadamada ay ka imaan karaan ciidamada la sheegay inay tababarkaas bixinayaan

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: