Advertisements

Wasiirka arrimaha dibada dowladda KMG oo soo dhaweeyay go’aankii Qaramada Midoobay ee mudda kordhinta ciidamada AMISOM.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Wasaarada arimaha dibada xukuumada KMG Soomaaliya ayaa soo dhaweyay go’aankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay waqtiga ugu kordhiyeen ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibada Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Oomaar oo haatan ku sugan Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa wuxuu soo dhaweyn go’aankii golaha amaanka ee Qaramada Midoobay maalin ka hor ay ugu kordhiyeen waqtiga ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan maagaalada Muqdisho.

Sidoo kale Max’ed Cabdullaahi Oomaar, waxaa uu ka hadlay ciidamada lagu soo kordhinayo Kuwa haatan ku sugan Magaalada Muqdisho, inkastoo wasiirku uu sheegay in codsigii Midowga Afrika ee ahaa in la gaarsiiyo AMISOM 20-kun uusan dhaqan galin, balse uu soo dhaweeyay 4-ta kun ee haatan lagu soo biirinayo ciidamada ku sugan Magaalada Muqdisho.

Hase ahaatee Ra’iisul-wasaare ku xigeenka xukuumada KMG, wuxuu ugu dambeyntii uu rajo weyn ka muujiyey in ciidamada cusub ay wax badan ka qabtaan xaaladda Soomaaliya, islamarkaana ay dowladda KMG Soomaaliya ka garab siiyaan la dagaalanka ururka Al Shabaab oo haatan noqday awooda kaliya ee la dagaalameysa dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Khartuum

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: