Advertisements

Shirkadda xawaalada Qaran Express ee dalka Malaysia oo dhac weyn loo geystay…

Halkaan ka akhri

War goor dhow oo Saaka ah, naga soo gaaray Caasimada dalka Maleesia ee  Kuala Lumpur  ayaa sheegaya in dhallinyaro burcad ah ay jabsadeen Xaruntii Xawaalada Qaran Malaysia ee Ku Taalay Xaafada Taman Malaati ee Gudaha Caasimaddaas.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in isku dayga dhaca Xarunta xawaalada Qaran uu ku Dhaawac Wakiilkii Xawalaada, ayaa dhaawacii loo geystay ahaa mid Halis, dhacdada Falka dhaca ah ayaa lagu soo warramay inay ku kaceen Dhalinyaro Burcad ah oo Isugu Jirtay Somali iyo carab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhallinyaradan ay Albaabka xarunta xawaalada ku Soo Galeen iyagoo iska dhigayo dad Lacag loo soo diray, wakiilka oo ku guda jiray baarista magacii loo sheegay in xawaald ku timid, kadibna ay Madaxa Ugu  dhufteen Bir Weyn  iyo Walxo Kale oo ay wateen.

Dhanka kale Wakiilka oo Dhawaciisa Halis ahaa ayaa waxaa loo La cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Kuala Lumpur.

Tuugadan ayaa waxay Guud ahan xarunta Xawaalada ka qateen kompiutero Labtoob ahaa oo laga Baari jiray lacagaha Online iyadoo laga Caqbsi qabo Iney Qaab online u dhacaan xawaalada weyn ee Qaran , balse inta ay Burcadaan ku guda Jirtay dhaca ayaa la sheegay inay u gudbeen Goobti Tiilay Lacagihii Qaran, halkaas ay kala baxeen wixii keyd ahayd.

Si kasta ha ahaatee Goobta arritaas ka dhacday ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Ciidamada Ilaalada Boliiska, waxayna barayeen Guud ahaan dadkii halkaas joogay oo  looga shaki qabay , hase yeeshee waxaa ilaa haatan aan xaqiijin inta ay dhan tahay Lacagtii ay Tuugadu halkaas ka qateen, marka laga reebo dhaawaca  iyo Labtobkii ay qataan , balse waxaa Xusid mudan  in Xaafada Taman Malaati ee magaalada  Kuala Lumpur  inay kuyaaliin in Kabadan Lix Xawaaladood Lamana Garan karo Ujeedka loo abaaray Xawaalada Qaran oo keliya.

SomaliSwiss   Kuala Lumpur

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: