Advertisements

Abaaro xoogan oo ay dad iyo Duunyo ku dhinteen oo laga soo sheegayo gobolka Gedo.

Halkaan ka akhri

Abaaro dad iyo duunyo ay ku leedeen ayaa laga soo sheegayaa inay ka jirto G/Gedo waxaa jira biyo la’aan baahsan ayaa laga soo sheegaya inay ka jiraan deegaano iyo degmooyin ka mid gobolka Gedo, iwaxaana lagu soo warramayaa in qaar ka mid ah qoysaskii halkaasi deegaansanayana ay bilaabeen in ay ka barakacaan abaarta.

Degmada Garbahaarey iyo deegaano hoostaga ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taaganyihiin abaaro dad iyo xoolaba ay u geeriyoodeen, waxaana abaartaasi darteed u geeriyooden labo ruux oo mid ka mid ah ay aheeyd haweenay Uur leh sida ay Shabelle u sheegeen dad ku sugan gobolkaasi.

Waxa kaloo la soo sheegay in tuulooyinka hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ay halkaasi ay haraad iyo daaqsin la’aan ugu nafwaayeen xoolo farabadan oo u badan lòda iyo Ariga.

Hase yeeshee goor hore ayaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo ugu baaqay Ganacsatada iyo Maamulka degmadaasi inay gar gaaraan dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, maadaama maalinba maalinta ka dambeysa abaarihu ay sii xoogeysanayaan.

Dhanka waxaa Xarakada Al Shabaab ay horey gobolka Gedo uga mamnuucay hay’adihii Samafalka ee ka howlgalayay deegaanada gobolkaasi, kuwaasi oo mararka qaar gaar ahaan xiliyada abaaraha caawin jiray qoysaska ay saameeyso abaarta.

SomaliSwiss Garbahaarey

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: