Advertisements

Maxkamada sare ee dalka Australia oo xukun xabsi daa’in ah ku riday sadex qof oo midkood uu Soomaali yahay.

Halkaan ka akhri

Maxkamada Sare Ee Dalka Australia ayaa waxay go’aan cad ka gaartay saddex qof oo Muslimiin ah oo midkood uu yahay wiil dhalinyara ah oo u dhashay wadanka Soomaaliya.

Sida lagu soo warramay Wiilka Soomaaliga oo xukun culus dusha loogu tuuray ayaa magaciisa lagu sheegay Saney Cadow Aweys oo 27 sano jir ah. Sidoo kale Laba wiil kale oo lala xukumay ayaa waxaa la kala yiraahdaa Wissam Max’ud Fattal iyo Nayiif Al-Sayed oo labaduba u dhasheen dalka Lebanon muddana ku wada noolaa dalka Australia.

Hase yeeshee dacwad oogayaasha ayaa soo bandhigay cadeymo muujinaya in Sadex qof ay tageen dalka Soomaaliya sanadkii 2008, halkaas oo ay tababar ku qaateen balse markii ay ku soo laabteen dalka Austraalia ay qoorsheynayeen inay Qaraxyo waaweyn la beegsadaan saldhig leeyihiin Ciidanka Cirka ee dalka Australia.

Dhanka kale Wiilkasha oo lagu soo eedeeyey inay yihiin denbiilayaal ayaa waxaa u bilaabmay Xabsigii lagu xukumay, waxaa dacwada guul ka gaaray oo denbiyadii lagu soo eedeeyey lagu waayay Laban wiil oo kale oo Soomaali ah oo la kala yiraahdo C/raxman Max’ud Axmed iyo Yacquub Kheyre oo muddo Maxkamad ay haysatay dacwadooda.

SomaliSwiss   Sidney

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: