Advertisements

Dowladda Uganda oo ciidamo dheeraad ah u soo diraysa dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Iyadoo maalin keliya ka soo wareegatay markii ay golaha Ammaanka Qaramada Midoobey in ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya waqtiga loo dheeyey, loona oggolaaday Ururka Midowga Afrika inay gaarsiyaan tirada Ciidamada AMISOM ilaa 12,000kun askari, halka haatan soomaaliya ay joogaan 8000-kun, ayaa waxaa maanta ay ku dhawaaqday Dowladda Uganda inay Ciidamo hor leh u dirto Soomaaliyaa, si ay ugu biiraan ciidamada 8000-kun ee haatan jooga Muqdisho.

Dhanka kale Ruhakana Rugunda oo u dhashay dalka Uganda islamarkaana aan ka ahayn xubin joogta ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobey, ayaa kulan ay yeesheen Qaramada Midoobey ka sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ilaa 4000 kun oo ciidamo dheeraad hor leh u dirayaan Wanka Soomaaliya.

Hase yeeshee  golaha Amaanka Qaramada Midoobey ayaa qaba in haddii tirada Ciidamada ay garaan 12-ka kun ay xasilin karto dalka sharci darada ka jirto ee Soomaaliya.

SomaliSwiss    Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: