Dayax madoobaad aan horey loo arag oo lama fillaan ku noqotay khubarrada cilmi-falaqa oo Caawa ka dhacday Caalamka.

Halkaan ka akhri

Dayax madoobaat  aan horey loo arag  oo lama fillaan ku noqotay khubarrada cilmi-falaqa ayaa  Caawa ka dhacday Caalamka guudkiisa, goor dhaweyd ayaa waxay dad badan oo ku kala sugan wadamo kal a geddisan ay ku soo buraarigeen waxayna Kaamiradaha la dhaceen qaar kalena Miraayada wax weynaya  ay u jeediyeen Cirka si ay u arkaan  Cadceeda ama Dayaxa qaabka ay u  madoobaatay.

Waxa xiliga Dayax Madoobaadka uu dhaco Caalamka la saadaalin jiray maalmaha laga baqanayo in uu dhaco balse hadda waxaa dhacday qaab aan hore loo filaynin.

Saadaaliyayaasha khubarrada cilmi-falaqa ama Cir bixiyayaasha ayaa la sheegayaa inay ku fashilmeen in ay digniino hore bixiyaan inta aanu Dayaxa Madoobaan, taasi oo dhacday markii xiligii ugu horaysay taariikhda inta la xasuusto ay isku aadeen

Sida ay sheegeen khubarrada cilmi-falaqa “Dhulka oo bartamaha taagan iyo Qoraxda iyo Dayaxa oo hal Khad ama hal wado isla istaagay oo waxyar ka dib uu dhulka kala dhex galay”.

Midib Cusub oo Dayaxa u madoobaaday ayaa la arkay  Sanadkan midibyadaas oo kala ah:- Colorgray, andpinkandred “Boorle midabka dameeraha,Binkiga ama nuuca ubaxyada qaar ay leeyihiin iyo midib Casaan ama gaduud ah”.

SomaliSwiss    Sidney

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: