Halkaan ka akhri
Xarakada  Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay ka qaaday dhammaan isbaarooyinkii lacagta ay maleeshiyooyinka Xizbul Islaam kaga qaadan jireen baabuurta  soo marta wadada Afgooye aada.
Sidoo kale Xarakada Al-Shabaab ayaa waxay gabi ahaanba la wareegay deegaanada ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo Afgooye iyagoo saaka ka qaaday dhammaan isbaarooyin lacagta lagu qaadi jiray.
Dhanka kale Wadada Siinka dheer illaa Ceelasha Biyaha ku sugnaa Maleeshiyo Al-shabaab ah oo wejiyada soo duubtay waxayna halkaas ay ka bilaabay in ay dadka baaritaan ay ku sameeyaan waxaana guud ahaan la joojiyay lacagtii laga qaadi jiray gaadiidka, waayo Wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa Ciidamada Xizbul Islaamk ay ka qaadi jireen lacago Baad ah dadkuna ku baari jireen.
Hase yeeshee Isbaarooyinka la qaaday ayaa waxaa ku farxay darawalda gaadiidka iyo dadweynaha rabaabka ahaa oo haatan wixii ka danbeeya hal goob isbaaro sharciyaysay ay Xarakada Al-shabaab dhigi doontaa wadadaas oo dhaqaale la qoondeeyay  loogu qaadi doonaa gaadiidka isaga goosha wadada isku xirta Muqdisho iyo gobollada Koonfur galbeed ee Soomaaliya.
SomaliSwiss   Afgooye
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.