Madaxweyne Yuweri Museveni oo kulan dhawr saacadood qaatay kula yeeshay magaalada Kampala Golaha wasiiradda dawladda Uganda.

Halkaan ka akhri

Golaha wasiiradda dawladda dalka Uganda iyo  Madaxweyne  Yuweri Museveni ayaa  kulan dhawr saacadood qaatay ay ku yeesheen magaalada Kampala ee ah Caasimada dalkaUganda, waxayna kaga hadleen qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne  Yuweri Museveni kadib markii uu kulankaas dhamaaday ayaa waxaa uu sheegay Saxaafadda in ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya, qeybna ka ah ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ay sii joogayaan Soomaaliya ilaa iyo intii golaha amaanka ee ururka Midawga Africa ay ka amrayaan.

Sidoo kale Madaweynuhu wuxuu sheegay in ciidamadooda ay hawl muhiim ah u hayaan shacabka Somalida iyo dawlada KMG Soomaaliya wuxuuna intaa ku daray in Ciidamadaas ay ku sii ahaan doonaan Soomaaliya, ayna sii wadayaan dagaalada ay kula jiraan xoogaga ka soo horjeeda  Doqladda Soomaaliya iyo Shacabka.

“Ciidamadeennu ay ku joogaan Soomaaliya qorshe dhameys tiran oo ay ka war qabaan Midawga Africa, Qaramada Midoobey iyo wadamada kale ee beesha caalamka“, wuxuuna intaas ku daray in hawsha ciidamadaas ay tahay inay nabadda ilaaliyaan oo ay difaacaan dawlada KMG, Shacabka iyo ilaha dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale Yuweri Musaveni wuxuu carrabka ku dhiftay in xilligaan ay ciidamada Uganda ee jooga Soomaaliya ay wajahayaan weeraro xoogag oo kaga imaanaya Al-Shabab waxaana hubaa inay u dhabar adeygayaan difaaca dawlada Soomaaliya, sidoo kale wuxuu amaanay hawl galadii ugu dambeeyay ee ciidamada AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo guulihii ay ka gaareen.

Hase yeeshee Madaxweynaha Uganda wuxuu cambaareeyay qaraxii habeen hore Nairobi ka dhacay oo uu ku sheegay inuu ahaa mid muujinaya in geeska Africa uu hal cadow leyahay.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: