Madaxda sare ee Dowladda iyo Gudiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Madaxda Sare ee Dowladda KMG Soomaaliya iyo Gudiga Amniga Qaranka ayaa waxay ku Kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, waxana kulankaas looga hadlay ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalintii shalay xarunta taliska ciidanka xoogga dalka ee Villa Beydhabo ku dhex maray Madaxda Qaranka iyo Guddiga ammaanka Qaranka.

Sidoo kale Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden, R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo, ku Xigeenka R/wasaaraha ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sh. Xasan Faarax, iyo taliyeyaasha Ciidamaada qalabka sida ee Dowladda.

R/wasaare Maxamed Cabdullaahi Formaajo oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulankii maalintii shalay ahayd ay wada qaateen Madaxda Qaranka iyo Guddiga nabadgelyada Qaranka looga hadlay sidii magaalada Muqdisdho looga sifeyn lahaa kooxaha Nabad diidka ah islamarkaasna ciidamada dowladda ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, isagoo xusay in Todobaadkiiba hal maalin ay yeeshaan kulkankaasi Madaxda Qaranka iyo Guddiga ammaanka Qaranka.

Dhanka kale R/wasaare Formaajo ayaa mar kale ugu baaqay dhallinyarada ay soo qaldeen Maleeshiyaadka Kooxaha nabad diidka ah inay isaga soo baxaan maleeshiyaadka ay ka tirsanyihiin si ay dowladda uga helaan mustaqbal wanaagsan oo ay ku noolaadaan.

Wuxuuna R/wasaaruhu uu hoosta ka xariiqay in Dowladdu ay cafis u fidisay Dhallinyaradii ka soo baxsata kooxaha nabad diidka ah islamarkaasna ay shaqpooyin iyo waxbarasho siin doonaan kuwa kale ee la filayo in ay isu soo dhiibaan Dowladda 100-ka maalmood gudahood.

Hase yeeshee ma ahan markii uga horreysay uu R/wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay dhallinyarada ku jirta kooxda mayalka adag ee Al shabaab in ay isaga soo tagaan kooxdaas, si ay u helaan Xuquuqda ay ku leeyihiin Wadankooda iyo ummaddooda.

Si kasta ha ahaatee waxaa arrintaas ka faa’iideystay dhallinyaro faro badan oo maalmo ka hor isu soo dhiibay Dowladda Soomaliya, kadib markii ay u dhadhami weyday  in ay sii wadaan waxyaabo aan sal ku laheyn Diinta Islamaamka ay ogaadeen inay wataan dambiileyaal Ajaaniib ah oo ku soo duuleen Dalkeena.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com


%d bloggers like this: