Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo isku raacay in Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM ay sii joogi karaan Soomaaliya mudo Hal Sano ah.

Halkaan ka akhri

Fadhi ay yeesheen Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu dooday Joogitaanka Ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho iyo tirada Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Kulanka fadhigan oo Maanta Magaalada New York ay ku yeesheen golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay isku raacay in waqtiga loo kordhiyo Ciidamada Midowga Afrika, AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho islamarkaana dalka la keeno 4 kun oo askari oo ka socda Midowga Afrika kuwaasi oo ku biiraya 8-da kun ee haatan ku sugan Magaalada Muqdisho si ciidamada loo gaarsiiyo ilaa 12-kun oo askari.

Golaha amaanka wuxuu ciidamada Midowga Afrika in Soomaaliya qoorsheeyey inay sii joogaan ilaa laga gaaro December 2011-ka, waxayna  sii wadayaan caawinta dowladda KMG iyo howshooda ah in Soomaaliya ay ku soo celiyaan nabadii iyo kala dambeyntii ka jirtay.

Go’aankaani golaha amaanka uu waqtiga iyo ritada ugu kordhiyay Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa horay waxaa uga dalbaday ururka Midowga Afrika inkastoo tirada ciidamadii ay doonayeen aan la soo dhameystirin taasi oo aheeyd in 22 kun oo askari loo soo diro Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa haatan waxaa ay wadaan qorshe ay cunaqabreynta hubka uga qaadayaan dowladda KMG Soomaaliya si loo fududeeyo hubka u soo socda Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana go’aankaasi golaha amaanku ay ka fadhiisan doonaan 28-ka January ee sanadka dambe.

Cilmi Axmed Ducaale oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka qeyb galay kulankaas ayaa Caawa u sheegay Idaacada BBC-da, in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay horay isugu raacday tababarida iyo maalgalinta ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee Kordhinta waqtiga ee joogitaanka Ciidamada AMISOM ayaa Ururka midowga Afrika horay isugu raacay shirkii dhawaantan lagu qabtay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxayna golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay ka dalbadeen in loo kordhiyo ciidamda AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: