Dowladda Uganda oo sheegtay in xarakada Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi.

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda Uganda Mr. Kayihura ayaa sheegay in qaraxii habeen hore ka dhacay boosteejada laga raaco gaadiidka isaga kala goosha Magaalooyinka Nayrobi iyo Kampala  ay ka danbeeyeen dhaqdhaqaaqa hubaysan ee Xarakada Al-shabaab.

Sida la wada ogsoon yahay Qaraxii habeen hore ka dhacay Magaalada Nayrobi waxaa ku dhintay 3 qof, waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaaray ku dhawaad 40 qof oo goobta qaraxa ka dhacay ka agdhawaa hase yeeshee waxaan ilaa haatan aan jirin si cid sheegatay  Qaraxaas.

Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda Uganda waxa uu sheegay weerarkii habeen hore iyo hanjabaadyo dhowr ah oo ka soo baxay dhanka hogaanka sare Xarakada Alshabaab in ay isku mid yihiin, loona fasiran karo qaraxyadaasi in ay ka danbeeyeen Xarakada Alshabaab sida uu yiri.

Booliska Uganda ayaa soo saaray saacado yar ka hor intii aysan dhicin qaraxaasi digniino ku aadan in laga yaabo Xarakada Alshabaab weeraro qaraxyo ah ka fuliso bariga Afrika inta lagu jiro ciida Charismas-ka.

Si kasta ha ahaatee marka laga reebo eedeynta dowladda Uganda ee la xiriira qaraxaas, ayna ku eedeysay xarakada Al-shabab, haddana wali ma jiraan war ka soo baxay dhanka Xarakada Alshabaab oo inta badan gobolada Koonfurta Soomaaliya ay gacanta ku haysa.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: