Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Saaka dagaallo iyo duqeymo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab, wuxuuna ka qarxay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dagaalkan ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamo ka tirsan AL Shabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin xaafadao ka mid ah degmada Boondheere, waxaana dagaalka labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka cul culus.

Dhanka kale dadka deegaanka  ayaa Warbaahintu u sheegeen inay arkeen dhimashada 2 ruux iyo dhaawac tiro intaasi ka badan kuwaasi oo loo daadgureynayay isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana ay tilmaameen in dadkaasi badankooda ay ku waxyeeloobeen madaafiicda labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

Hase yeeshee Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah oo laga wareystay dagaalkii saaka dhacay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan tirada dadka ku dhaawacmay ee ay ka soo qaadeen Xaafadaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Balse war goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Xaaladda ay haatan degan tahay inkastoo mararka qaar la maqlayo dhawaqa rasaas teel teel ah oo ay isku ridayaan Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: