Ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan oo xalay weerar ku qaaday saldhig ay leeyihiin xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wakiilka Shabakada SomaliSwiss ee gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in  Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ay xalay weerar khasaare geystay ku qaadeen fariisimo militari oo ciidamada Xarakada Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Warkan oo xaqiiqadiisa laga helay Afhayeenka ciidanka dowladda KMG ee gobolka Hiiraan Max’ed Nuur Cagajoof ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda KMG xalay saqdii dhexe weeraro geystay khasaare ay ku qaadeen saldhig iyo hotel ku yaala Tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidanka dowladda KMG ee gobolka Hiiraan wuxuu caddeeyey in mudo kooban ay la wareegeen gacan ku heynta saldhiga ay weerarka ku qaadeen islamarkaana ay weerarkaas kula wareegeen 30 qori AK47, ayna dileen sedax askari oo ka tirsanaa ciidamada Al Shabaab. wuxuuna afhayeenku xusay in saldhigii ay weerareen ay ka sii daayeen.

Sidoo kale Sarkaalka u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in xabsiga ay ka sii daayeen maxaabiis u xirneyd Al Shabaab oo kala ahaa 8 wiil oo dhalinyaro ah, 3 gabdhood iyo 2 oday oo uu sheegay inay ka mid ahaayeen waxgaradka deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Hae yeeshee ma jiraan wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan weerarka Ciidamada dowladu ay sheegeen in ay ku qaadeen deegaanka Tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: