Ururka dhaq-dhaqaaqa ka horJeedka Qabyaaladda oo xaflad ku qabtay galbeedka magaalada London (ANTI -TRIBALSIM MOVEMENT).

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay xaflad aad loo soo agaasimay oo ay   soo  qaban qabiyeen Dhalinyaro ku dhashay, kuna nool Wadankan ingriiska, waxna ka barta Jamacadaha waddankan ayaa lagu qabtay magaalada london,  sida la sheegay dhalinyaradan ayaa badankooda arkin wadanka Soomaaliya mudo aad u dheer, qaarna ayna ku dhasheen dalka Britain, kuwaas oo soo bandhigay fikrad aad u wacan oo soo jidtay dadkii xafladdaas isugu yimid.

Dhallinyaradan ayaa soo bandhigeen riwayad ka tarjumaysa Qurba jooga soomaliyeed ee ku dhaqan dalka uk , sidaas darteed intii ay socotay riwayad ayaa waxaa la arkayey  dadkii daawanayey ay dhammaantood ay wada ilmeeyeen, hase yeeshee  markii aan waydiyey qaar ka mid ah dadweynii ilmeynayey, fananintii halka isagu timid oo ka mid ahaa mulaxanka Al-xudayfi iyo fananka cabdirsaq gadaco iyo Fananinta Qaylodhaan waxay ii sheegeen in anay dhalinyaro sidan u dhaqmaysa anay baryahan anay ku arag iyo fikaradihii ay ka Hesteen oo is Badashay.

Riwayada ay soo bandhideen dhallinyadan ayaa waxaa loogu magac daray “QAB WAYNI IYO QABYALADA WAA QABRIGA QARANKEENA“, taas oo aad uga farxisay dadwaynihii  halka isagu yimid, waxayna dadkii daawaday Riwaayadaas ay qireen in dhallintan ay yihiin kuwo u horseedi karo in loogu daydo Waddaninimadooda, waayo waxay soo Bandhigeen Riwayad ku qoran Afka soomaliga, kana hadlaysa hab dhaqanka Qosaska  Soomaliyeed ee  deggan  wadanka Ingiriiska.

Sidoo kale Xafladaas ayaa waxa kaloo qayb wayn ka Qatay kooxda Qaylo dhaan iyo fananka cabdirsaq Gadaco , gabagabadii xafladana abaal marino lagu gudoon siyey dhalintii soo qaban qabisay xafladan iyo asaska ururkan oo wax wayn ka badali dona Dhalinta somaliyeed ee ku dhaqan uk ururkan aya lagu Magac daray “ANTI -TRIBALSIM MOVEMENT“ oo la micna ah ururka dhaqdhaqa ka soo horjedka qabyalada, hase yeeshee   ujedada ururkan waxay tahay in laga tirtiro dhalinyarada Qabyalada.

Ururkan oo ku bahoobay dhallinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo wadaagay fikrad ka dhan ah QABYAALADDA, waxaana dhidibadda loogu taagay deegaanka Acton ee galbeedka magaalada London, waxaana Ururkaan la dhisay taariikhdu markey ahayd 17ka Bisha January 2010ka, xilligaas oo kulamo ay isugu yimid dhallinyaro Soomaaliyeed oo dhammaantood wax ka barata Dugsiyada iyo  Jaamacadaha wadankan Ingiriiska, si ay ugu wada tashadaan sidii daawo loogu heli lahaa cudurka qalbi dilaaga ah ee qabyaaladda, waxaana halkaas ka  bilaabmay dood iyo fikrado huwan qaab cilmiyeed ku saleysan taariikhda qabyaaladda iyo waxa ay dhaxalsiisay dadkeena iyo dalkeena iyo sidii loola dagaalami lahaa Cudurkaas.

SomaliSwiss   London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: