Qarax lala beegsaday Bas oo khasaare xoogan geystay oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Halkaan ka akhri

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay  qarax xooggan oo khasaare geystay, kaas oo ay ku geeriyoodeen ilaa  saddex qof  waxaana ku dhaawacmay labaatan, sida lagu soo warramay waxaa qaraxan lala beegsaday gaari Bas ah oo ku sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Ugand.

Hase yeeshee  wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dadka Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaas ay  cabsi ka muujinayaan inuu saameyn ku yeesho qarax aka dhacay magaalada Nairobi.

Warku wuxuu intaa ku daray in Ciidanka Booliska dalka Kenya howlgal ay sameeyeen gacanta ku dhigeen qof  la sheegay inuu ka mid ahaa koox kagu eedeynayo inay ka dambeeyaan qaraxa.

Dhanka kale Taliyaha ciidanka booliska ayaa waxay sheegay in gudaha Baska qaraxay uu  ku dhintay nin la sheegay inuu boorso ku siday qaraxa, qaraxan ayaa ka dhacay Boosteejo ku taala magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, hase yeeshee Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa waxay walaaca ka muujiyey dhacdadan.

Si kasta ha ahaatee dhawaan ayay aheyd markii qaraxyo khasaaro badan geestay oo lagu weeraray ciidanka Booliska lagu qabqabtay dad badan oo Soomaali ah, inkastoo la sii daayay badankood ka dib dadaal ay sameysay safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: