Baarlamanka wadamada Jaamacadda Carabta oo isku raacay in la siiyo Soomaaliya lacagihii loo balan qaaday.

Halkaan ka akhri

Baarlamanka Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay wadamada carabta inay ka dhabeeyaan balan qaadkii ay u sameeyeen Soomaaliya ee ahaa 10-ka milyan ee Doolar taasoo ay ugu balan qaadeen shirkii ka dhacay Magaalada Sirta ee dalka Liibiya.

Kulan Barlamaanka Jaamacadda Carabta ay  ku yeesheen Magaalada Qahira ee Xarunta dalka Masar oo maalintii shalay ahayd ku soo gaba gaboobay halkaasi, ayaa waxaa Barlamaanka Carabta dowladda KMG Soomaaliya uu ku booriyay inay xaqiijiso dib u heshiisiin guud oo la dhex dhigo dhamaan dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya si dib loogu soo celiyo Soomaaliya amaankii iyo kala dambeyntii ka jirtay.

Sida la sheegay Kulanka Barlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa  soconayay Labadii maalin ee la soo dhaafay, waxaana diirada lagu saaray arimo ay ka mid yihiin Xaaladaha Soomaaliya, Suudaan Falastiin iyo Barnaamijka Nugleerka dalka Iiraan, waxaana gaba gabadii kulankaasi warmurtiyeed ka soo baxay lagu cambaareeyay dowladda Maraykanka oo diiday in dowladda Falastiin loo aqoonsado dowlad xor ah oo madax banaan.

Sida la wada ogsoon yahay Wadamada Carabta ayaa Soomaaliya u balan qaaday 10 Milyan oo doolarka Maraykanka, lacagtaa oo wax loogu qabanaayo dhismaha hay’adaha dowladda ee Soomaaliya, taas oo lagu oggolaaday 28-kii Marso ee sanadkaan 2010-ka shirkii ka dhacay Magaalada Sirta ee dalka Liibiya,hase ahaatee aan wali la siinin dowladda KMG Soomaaliya lacagtaas.

Dhanka kale Dowladda KMG Soomaaliya ayaa horay sheegtay in inta badan lacagihii loogu balan qaaday Shirarkii ka dhacay Magaalooyinka BRUSSELS iyo Sirta aanay gacanta wali u soo galin, iyadoo dhowr jeer oo hore ku cel celisay baaq u ku aadan in laga dhabeeyo balan qaadyada lacagta loogu deeqay dowladda KMG Soomaaliya.

SomaliSwiss Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: