Advertisements

Ururka Midawga Africa oo walaac ka muujiyey heshiiska dawlada KMG Soomaaliya ay la galeyso shirkad dhinaca ammaanka ah.

Halkaan ka akhri

Ururka Midawga Africa ayaa walaac ka muujisay heshiiska la galeyso dawlada KMG Soomaaliya shirkad dhinaca ammaanka waxayna sheegeen in taasi ay wax yeeleyneyso hawlaha ay ciidamada AMISOM ka hayaan Soomaaliya haddii ay dawlada KMGSomaaliya heshiis la gasho shirkad dhinaca amaanka qaabilsan oo Mareykan ah.

Sidoo kale Warka  ay Midwga Africa ka soo saareen arrimaha ku saabsan warar sheegaya in dawlada KMGS ay hishiis dhinaca tababarida ciidamada ah la galeyso shirkad Mareykan ah oo lagu magacaabo Saracen International ayaa waxay ku sheegeen in heshiiskaas uu wax u dhimayo hawlaha ay  ciidamada Midawga Africa ka hayaan Somalia waxaana uu ururka ugu baaqay dawlada KMGS inay hishiiskaasi ka fiirsato ka hor inta aysan galin.

wargeyska The East African oo Uganda ka soo baxa  oo warkaan qorey ayaa wuxuu sheegay in ururka Midawga Africa uu ku eedeeyay dawlada inay wado heshiiskaas waxaana warku intaa ku darayaa in xukuumadda Kampalla loogu baaqay inay joojiso xiriirinta dawlada iyo shirkadda Mareykanka ah.

Hase yeeshee war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Uganda ayaa  lagu sheegay in heshiiska ay dawlada KMG Soomaaliya la galeyso shikadda Saracen International uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin hawlaha AMISOM ee Somalia.

Balse Col Felix Kulayigye oo afhayeen u ah ciidamada Uganda ayaa waxaa uu sheegay in shirkaddan ay gacan siineyso ciidamada AMISOM waxaana uu sheegay inaysan shirkaddan tababar siineyn ciidamo ka soo horjeeda dawlada ee ay tababareyso ciidamada xukuumadda KMG Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee la taliyaha madaxweynaha Uganda  Mr. Salim Salah ayaa sheegay inuu isku xirayo dawlada KMG Soomaaliya  iyo shirkadda Saracen International oo ah shirkad si gaar ah loo leeyahay taasi oo tababaro siin doonta ciidamada dawlada KMGS oo dagaalo kula jira xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss    Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: