Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif oo maanta ka hadlay Munaasabada 67-aad ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta ka hadlay Munaasabada 67-aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ka codsaday Ciidanka inay isku dayaan joojinta isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan qaadka.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in uu ka warqabo joojinta isticmaalka qaadka inay tahay mid adag hase ahaatee wuxuuu tilmaamay in uu rumeysanyahay inay jiraan askar go’aan ka gaari karta sidii ay isaga joojin lahaayeen qaadka, isagoo kula taliyay kuwa kale in si tartiib tartiib ah ay u joojiyaan.

Madaxweyne Sheikh Shariif  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dad badan waxaan rumeysanhay inay go’aan ka gaari karaan cunista qaadka, kuwa kale waxaan leeyahay yareeya maalmihii aad cuni jirteen, yareeya waqtigii aad cuni jirteen sidoo kale yareeya qeybtii aad cuni jirteen”, wuxuuna si sarbeeban ciidamada dowladda ugu baaqay in hadii ay iska dhaafaan qaadka lacagtii ay ka bixin jireen aanay u isticmaalin waxyaabo kale oo muqaadaraad ah, isagoo kula taliyay inay reerahooda ku biilaan si naloshooda ay u wanaagsanaato.

Sidoo kale  waxaa goobtaasi ka hadlay Taliyaha Ciidamada Booliska dowladda KMG Soomaaliya Cali Max’ed Xasan Looyaan (Cali Madoobe) waxaa uu sheegay in horay taliska boolisku uu u soo saaray awaamiir ku aadan in ciidanka boolisku aanay isticmaalin qaadka, askarigii arintaasi lagu helaana uu muteysan doono ciqaab adag, waxaana uu intaasi ku daray in wali ciqaabtaasi ay taagantahay.

marka laga soo tago daboolida taliska ciidanka Booliska ee ku aadan in askarta dowladda aysan qaad isticmaalin ayaa waxaa meesha ka saaraya arintaasi xog ogaalnimada madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya oo ciidanka qudhooda kula dar daarmay inay qaadka joojiyaan maadaama howl culus laga sugayo.

Hase ahaatee wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka ay Maamusho dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaad ku arkeysa ciidamo aad u farabadan oo ka tiran dowladda KMG Soomaaliya xiliga uu qaadku soo dagayo, kuwaasi oo kuu muuqanaya iyagoo dhooban meelaha lagu iibiyo qaadka, waxaana mararka qaar dhacda in ciidamo ka tirsan dowladda KMG ay aagag hore ee dagaalka uga soo baxaan qaad awgiis marka la gaaro xiliga uu jaadku soo dhaco, taasi oo keenta in Al Shabaab ay si fudud uga faa’iideystaan qabsashada goobahaasi.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: