Madaafiic ay Xarakada Al-Shabaab ku garaacday Madaxtooyada oo keentay khassare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta abaarihii waqtiga duhurnimada ayaa la sheegay in madaafiic ay ku dhacday goob maqaayad ah oo ku taala nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, waxaana madaafiicdaas ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobta ay madaaficidaasi ku dhaceen.

Warkan oo u xaqiijiyey Wakiilka SomaliSwiss ee G/Banaadir Goob jooge ku sugnaa halka ay madaafiicdu ku soo dhacday ayaa sheegay in ay halkaasi ku geeriyoodeen ilaa 5 qof ku dhawaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay ahaayeen haween iyo caruur ku sugnaa Maqaayada ay Madaafiicdu ku dhacday.

Sidoo kale goobjoogaha ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi la geeyay isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo, isagoo intaasi raaciyay in qaar ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu culusyihiin.

Hase yeeshee Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Ciriig  ayaa ku eedeeyay in Madaafiicdaasi ay maanta ku dhinteen dadka rayid ah ay ka dambeeyaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo uu sheegay inay ka shaqeynayaan deganaasho la’aanta gobolka Banaadir.

Sida la wada ogsoon yahay waxaa jira in dhinacyada ku dagaalama magaalada Muqdisho ay had iyo jeer  isweydaarsadaan madaafiicda, taasoo ka dhasha khasaare culus uu ka soo gaaraa dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyagoo midba midka kale uu ku eedeeyo in uu isaga masuul ka yahay dhibaatada soo gaareysa shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: