Dowladda KMG ah oo soo bandhigtay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa saxaafadda u soo bandhigay ciidamo la sheegay in ay ka tirsanaayeen xarakada Al-Shabaab.

Tirada ciidankan ayaa lagu sheegay in ay gaarayeen ilaa lix askari, iyadoo uu la socday  sarkaalkii hogaaminayay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in sarkaalkii hoggaaminayey ciidankaas oo  wariyeyaasha la hadlayay, cadeeyey in ay ka soo goosteen xarakada Al-Shabaab ayna ku biireen dowladda KMG Soomaaliya.

Hase yeeshee Saraakiisha xarakada Al-Shabaab ayaa marar badan beeniyay in saraakiil iyo ciidamo la sheegi  jiray in ay ka goosteen dhinacooda ayna ku biireen dowladda KMG.

Balse waxaa jirtay in dowladda KMG iyo Al-Shabaab ay dhowr jeer saxaafadda u soo bandhigeen ciidamo ay sheegeen in dhinacba dhinaca kale ka soo goosteen.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: