Advertisements

Xiisad colaadeed oo u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo maanta ka jirta Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Halkaan ka akhri

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta laga dareemay Suuqa wayn bakaaraha ee magaalada Muqdisho Xiisado dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Xarakada Al-Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam.

Qaar ka mid ah dadka deggan Suuqa Bakaaraha oo ay warbaahinta Muqdisho la xiriirtay ayaa  sheegay in xiisada u dhaxeeya Xarakada Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay cirka ku shareertay kadib markii saakay la maqlay in Ciidamada Xisbiga ee degmada Luuq ay ku biireen maamulka Xarakada Al-Shabaab ee ka taiya Gobolka Gedo.

Sidoo kale xiisada ka tagan Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa kaloo loo nisbeynayaa  in shalay galinkii dambe ciidamo ka mid ah Al-Shabaab ay ku toogteen nawaaxiga Masjidka Abuu-hurayra askari ka tirsanaa ciidamada Xisbul Islaam.

Sida lagu soo warramay waxaa saakay dhaq-dhaqaaq ciidan aan caadi ahayn ka waday qeybo ka mid ah Suuqa wayn ee Bakaaraha Ciidamada Xisbul Islaam, kuwaasi oo ka caraysan dil shalay galinkii dambe Al Shabaab ay u gaysteen askari ka mid ahaa Xisbul Islaam.

Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa iyaduna waxay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo kaas la mid ah ka wadeen goobaha ay kaga sugan yihiin Suuqa bakaaraha waxaana saakay gabi ahaamba kacsan xaaladda Suuqa Bakaaraha, iyadoo ganacsatada Suuqa ay si wayn u hadal hayaan xiisadaha u dhaxeeya labadaasi dhinac oo iminka isku horfadhiya qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sida la wada ogsoon yahay Xiisadaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ayaa waxaa ay daba socdaan dagaal maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay ciidamada Xarkada Al-Shabaab iyo Ururka Xisbul Islaam, iyadoo  ay haatan socoto hub aruursi xoogan ayaa haddana waxaa laga dareemayaa duleedka magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaq Ciidan, halkaasi oo ay iminka isku horfadhiyaan labadaasi dhinac.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmai.com

Advertisements
%d bloggers like this: