Advertisements

Heshiis koronto dhalin ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya la gashay dalka Kenya.

Halkaan ka akhri

Wasiirka wasaarada Macdanta, biyaha, shidaalka iyo tamarta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa heshiis dhinaca dhalinta awoodda korantda ah ay la gashay dowlada Wadanka Kenya, iyadoo dhinaca kale diiwaan galin u sameyn doonto shirkadaha Korantada ee haatan ka jira dalka Soomaaliya.

Dhanka  kale Wasaarada Macdanta, biyaha, shidaalka xukuumadda KMG ee Soomaaliya waxa ay sheegtay inay liis gareyneyso Shirkadaha Korantada iyo kuwa biyaha ee ka jira Magaalada Muqdisho iyadoo tilmaamtay in ay ka soo xulaneyso shaqaalaha ay doonayaan inay ka howlgaliyaan Wasarada Tamarta ee Xukuumada KMG Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka wasaarada Macdanta, biyaha, shidaalka iyo tamarta C/risaaq Shikh Muxudiin ayaa uxuu faah faahin ka bixiyay heshiis dhinaca korantada ah oo ay la gashay wasaaradiisu wasaaradda korantada ee dalka Kenya.

Hase yeeshee Wasiirku wuxuu sheegay in wasaarada Korantada ee Kenya ay isla garteen in ugu horeyn Kenya ay Soomaaliya siiso qalabka dhaliya korantada gaar ahaan tabarta lagu dhaliyo qoraxda, taas oo Wasiirku ku sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay dooneyso in ay ku rakibaan xarumaha waaweyn ee Magaalada Muqdisho iyo gobolada ay gaarto dowladda KMG Soomaaliya.

C/risaaq Shikh Muxudiin oo sidoo kale sheegay in wasaarada korantada Kenya ay tababar u fidin doonto Shaqaalaha ka shaqeynaya korantada maadaama dalka Soomaaliya haatan uusan laheyn shaqaale aqoon u leh Tamarta korantada lagu dhaliyo Qoraxda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmai.com

Advertisements
%d bloggers like this: