Advertisements

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo lagala wareegay talisyadiisii lana sheegay in uu caawa isku dhiibay xarakada Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Wararka Caawa laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Daahir Aweys uu caawa isku dhiibay Xarakada Al-shabaab oo maalmahaan uu dagaal u dhexeeyay, hase yeeshee looga itaal roonaaday.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ,ayaa sheegaya in hogaamiyaha Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys iyo dhamaan ciidankiisa ay galabta si rasmi ah ugu biireen xarakada Al-Shabaab  oo la sheegay in loogu hanjbay inuu is dhiibo inta aan la qaban, haddii ay taasi dhacdana la dili doono.

Xarumaha Ciidan ee Xisbigu ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa durbadiiba caawa la wareegay ciidamo ka tirsan Al Shabaab sidoo kalena Ciidamadii kale ee Xisbul Islaam ay ka mid noqdeen Ciidamada Al Shabaab.

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in Goobaha ay galabta ilaa Caawa fiidkii la wareegeen Al-Shabaab ayna horay ugu sugnaayeen Ciidamada Xisbul Islaam ay ka mid ayihiin:- Isgoysyada Falaronza, Howlwadaag, saldhiga Hodon, Saldhiga Huriwaa iyo deegaanada loo barakacay oo ay ka mid yihiin Siinka dheer, Ceelasha biyaha, Lafoole Carbiska iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose halkaasi oo ahaa meelihii yaraa ee ay gacanta ku hayeen Ciidamada Xisbul Islaam.

Dagaal xoogan iyo cadaadisyo kala duwan ayaa haystay malmaahaan Xasan Daahir Aweys oo Isdhgiibka ay isdhiibeen isaga iyo maleeshiyadiisa Ururka Xisbul Islaam ay guul u tahay Xarakada Al Shabaab oo muddo dheer ku taamaysay, waxayna sanad ka hor ku guulaysteen inay kala jajabiyaan Ururka Xisbul Islaam, wixii xilligaas ka dambeeyana waxaa ku socday dagaal qaboow iyo kuleyl isugu jiray.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badan oo siyaasadda Soomaaliya u dhuun-daloola is weydiinayaan halka uu cirib dhigi doono Xasan Daahir Aweys oo qaar ka mid ah Al Shabaab aysan la dhacsaneyn siyaasadiisa, hase yeeshee waxaa loo maleeyaa in sh. Xasan Daahir uu siyaasadiisa halkaa ay ku dhamaatay, sida  Sheikh Xasan Turki uu horay ugu mid ahaa Xisbiga balse ku biiray Al Shabaab kadibna saaxadda Siyaasadda ka fadhiistay.

Warar kale oo ku dhow dhow Al-Shabaab ayaa sheegaya in Xasan Daahir Qol uu dego looga diyaariyay meel ka mid ah gobollada Jubooyinka oo uu hadda ku sugan yahay Sheikh Turki oo la sheegay inuu xanuun san yahay.

Waxaa  haatan muuqata in Siyaasada Soomaaliya ay isugu soo haray Xarakada AL Shabaab oo gooni u taagan, iyo dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna iyo Garabka Xisbul Islaam ee uYuusuf Indhacadde kuwaasi oo ku mideysan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab oo haatan ka talisa gobolo ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmai.com

Advertisements
%d bloggers like this: