Dowladda KMG Soomaaliya oo sheegtay in ay keensan doonto 14 diyaarado nooca dagaal oo hantida Qaranka ah.

Halkaan ka akhri

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda Dowladda Federaalka KMG ah Maxamed Cali Xaamud ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda KMG Soomaaliya ay keensan  doonto 14-diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo loo yaqaan Miigga oo Soomaaliya u yaalla wadanka Talyaaniga, wuxuuna sheegay in diyaaradahaasi ay ka mid yihiin hantida Qaranka u taalla dalalka caalamka, inkastoo Wasiiru Dowluhu uusan carabaabin xilliga diyaaradahaas la keenayo magaalada Muqdisho.

Maxamed Cali Xaamud  oo hadlkiisa sii wato wuxuu Yiri: “Ma yara hantida Soomaaliya ee taalla dalalka caalamka, waxaana ku dadaali doonaa sidii dib loogu soo celin gacanta Dowladda dhammaanba hantidaas” wuxuuna sii raaciyey in Dowlado ay ka mid tahay Talyaaniga kulamo kala yeelanayaan sidii xukuumadda ula soo wareegi lahayd wixii hanti ahaa ee ay u hayeen Soomaaliya.

Dhinaca kale Md. Xaamud oo Warbaahinta kula hadlayay xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ilaa 17-dowladood oo ka tirsan dalalka caalamka ay hayaan hantida dalka Soomaaliya oo isugu jira, Baabuur, Diyaarado dagaal, diyaarado Rayid ah, guryo, hub iyo saanado milateri, waxa uuna caddeeyay in xukuumadda cusub ee dhowaan la magacaabay ay dadaal u geli doonto sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd Hantidaas ku kala firarsan Caalamka.

Si Kasta ha ahaatee Ololaha Dowladda Federaalka KMG ah ugu jirto sidii ay ku soo celin lahayd hantida dalalka caalamka u yaala dalka Soomaaliya ayna ka mid yihiin agabka milateriga ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaallo aan dhammaad lahayn oo u dhaxeeya DFKMG ah oo kaashaneysa Ciidamada AMISOM oo dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka ah oo iyana kaashanaya dagaalyahano ajaanib ururka Al-Qaacida ka tirsan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmai.com

%d bloggers like this: